Axda, 19 December, 2010 (HOL) – Siminaar ay soo qaban-qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada, ayna daadihinayeen golaha sare ee Culumaa'uddiinka Ahlusunna ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi I ee magaalada Muqdisho, iyadoo siminaarkaas ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan iyo saraakiisha ciidammada dowladda Soomaaliya.
Hadafka Siminaarkan oo ahaa in dhallinyarada aan laga dahigan xaabo lagu shido dagaallada ayaa waxaa xubnihii hadallada ka jeediyay, waxaa ka mid ahaa: wasiirkii hore ee garsoorka iyo cadaaladda Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow), ahna mudane ka tirsan baarlamanaka Soomaaliya, ku-simaha guddoomiyaha golaha sare ee Ahlusunna Sheekh C/qaadir Soomow, afhayeenka ciidammada booliiska G/sare C/llaahi Xasan Bariise, Sheekh Cumar Maxamed Faarax, culumaa'uddiin kale iyo waxgarad.
Xildhibaan Janaqow oo hadalkii ugu horreeyay ka jeediyay siminnaarka, ayaa ka hadlay sida ay diinta Islaamku u aragto colaadda iyo nabadda, isagoo sheegay in Islaamku yahay diin ku dhisan nabad iyo ammaan.
"Islaamka waa nabad, sidaad la socotaan Alle wuu karaameeyay bani'aadamka, sidaas darteed shan waxyaabood ayaa lagam maarmaan u ah xuquuda bani'aadamka , diinta ayaana lagu qeexay intii aan la qorin xeerarka Geneva,"ayuu yiri xildhibaanka.
Sheekh C/raxmaan Janaqow, oo khudbadiisu u badnayd ka hadalka diinta Islamka, ayuu sheegay in qofka xaq u leeyahay inuu noolaado, inaan lagu xadgubi karin, isla markaana aan lagu dili karin si gardarro ah.
"Qofka xaq ayuu u leeyahay inuu noolaado, in lagu xadgubo diinta ma qabto iyo in gardarro lagu dilo, sharaftiisa, diinta iyo xoolihiisa lagu banneysto," ayuu mar kale yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow.
Mar uu ka hadlay xilligan lagu jiro dalka, ayaa sheegay in dadku ka baqayaan in la qarxiyo ama la dilo marka ay magaalada u baxaan, cabsidaasoo uu uu sheegay inay sabab u noqotay in waxyaabihii aasaasiga ahaa ay dadku waayaan, gaar ahaan inay si xorriyad ku jirto u cibaadeystaan.
Sheekh Janaqow, wuxuu tibaaxay in diinta Islaamka si qaldan loo fasiro, isla markaana ay jiraan dad fikrado qaldan diintana ka bixinaya, isagoo xusay in dhallinyarada ay u nugul yihiin, marin-habaabinta.
"Dhibka hadda dalkeenna ka jira waa dhalinyarada, maxaa yeelay waxa haysta waa aqoon la'aan sababtay in dabka lagu shido, waxaa lagu hoggaamiyaa inay isqarxiyaan, ma jiro mas’uul isku diyaarinaya inuu isqarxiyo, sababta waxa weeye in dhallinyaradu ay yihiin udub dhexaadka dhibka ka jira Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqoow oo intaa ku daray in loo baahan yahay in dhallinyarada ay wax bartaan.
Sheekh Janaqoow oo ka hadlay isqarxinta ayaa yiri: "Qofka is-qarxiya naftiisa ayuu dilay, waana mid uu ku waayayo wixii uu rajeynayay berry, qofka lagu tilmaami karo wanaagga waa qofkii dhinta isagoo difaacaya naftiisa, ehelkiisa iyo sharaftiisa."
Sidoo kale, Sheekh Muuse Cagaweyne oo isna dar-daaran iyo talo u jeediyay dhallinyarada, ayaa sheegay in colaadda ka taagan Soomaaliya ay tahay mid fidno, loona baahan yahay inay dhallinyaradu ka feejignaato in loo adeegsado.
Ugu dambeyn, siminaarka oo uu soo xiray ku-simaha guddoomiyaha golaha Culumaa'uddiinka Ahlusuna Sheekh C/qaadir Soomow oo u mahadceliyay hay'adda CCD dadaalka ay bulshada isugu keenays, isagoo xusay in dhallinyarada ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu baabi'inayo colaadda.
Siminaarkan, oo ahaa qaybtii labaad ee hay'adda wada-hadalka bulshada Muqdisho ugu qabato Culumaa'uddiinka Ahlusunna, ayaa waxaa uu qayb ka yahay siminaaro dhowr ah oo ay isugu keentay qaybaha bulshada si ay uga hadlaan xaaladda dalka ka jirta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya