Xarrakatul Shabaab oo sheegtay inay dileen askar ka tirsan AMISOM iyo dagaallo saakay Muqdisho ka dhacay

Isniin, 13 December, 2010 (HOL) − Afhayeenka Xarrakatul Shabaab oo fiidnimadii xalay shir jraa'id saxaafadda ugu qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inay dagaal culus oo habeen hore ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ku dhexmaray xaafadda Siigaale ee degmada Hodan ay ku dileen 13-askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM.

Sheekh C/casiis Abuu-Muscab, ayaa sheegay in ciidammada ay la dagaalameen ay difaac u ahaayeen guriga Shaqaalaha oo saldhig u ah ciidammada AMISOM, ayna ku dileen goobta dagaalka sideed askari, halka shan kale oo ka mid ah in ka badan 10 askari oo ku dhaawacmay dagaalkaas ay ku dhinteen isbitaal ku yaalla xarunta AMISOM ee Xalane.

"Weerarkan, oo ahaa mid lagu guuleystay waxaa qaaday guutada Sheekh Mustafa Abuu-Yaziid, waxaan u suurogashay khasaaraha nafeed kaddib inay halkaas kasoo qaataan qalab ay lahaayeen ciidammada AMISOM," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxday dhinaca taliska AMISOM, iyadoo dagaallo ay 48-kii saacdood ee ugu dambeeyay ka dhacayeen Muqdisho, gaar ahaan Hodan iyo Boondheere, kuwaasoo ay khasaare culus kasoo gaartay dadka shacabka ah.

Afhayeenka ciidammada Xarrakatul Shabaab, ayaa sheegay inay dagaallada sii wadi doonaan inta, ay AMISOM ku sugan tahay dalka, ama ay maydadka askartooda ku jiid-jiidayaan wadooyinka Muqdisho.

Dhanka kale, dagaallo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen iyo duqeymo barbar socday ayaa saakay ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Hodan, kuwaasoo u dhexeeyay ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac kale kasoo jeeday.

Rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac isku adeegsanayaan ayaa laga maqlayay gudaha iyo duleedyada caasimadda Soomaaliya, iyadoo aanay labada dhinac ka hadlin dagaalladii saakay dhexmaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya