Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ku tilmaantay Tifaftirayaasha BBC-da iyo VOA-da inay yihiin Murtadiin dagaal kula jira Muslimiinta

Khamiis, April 29, 2010 (HOL) - Sarkaal ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku tilmaamay Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da C/raxmaan Yarabow Wehliye iyo Tifaftiraha BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed inay yihiin Murtadiin ka baxay diinta Islaamka.

Warkan oo lagu daabacay Bogga VOA-da ayaa lagu sheegay in hadalkan laga sheegeen Masjid ku yaalla Muqdisho Jimcihii lasoo dhaafay, iyagoo sarkaalkan uu sheegay wax cadowtooyo ah oo lagula kacayo Tifaftirayaashan.

Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf (Shan-gele) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarrakatul Shabaab ayaa ku eedeeyay Tifaftirayaasha laamaha Af-Soomaaliga ee BBC-da iyo VOA-da inay baahiyaan warar ay si khaladan u turjumeen oo looga horjeedo Muslimiinta Soomaaliya iyagoo adeegsanaya Idaacado ay leeyihiin Reer Galbeedka.

Madaxa qaybta la hadasha Afrika ee Idaacadda VOA-da Gwen Dillard ayaa ku tilmaantay warakaas inuu yahay mid nasiibdarro ah oo sax ahayn, waxayna tiri: "VOA-da qorshaheedu waa inay baahiso wararka run ah, kuwaasoo xaqiiqo ah, aadna loo hubiyay".

Xarrakatul Shabaab oo gacanta ku haysa inta badan Gobollada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay deegaannada ay maamusho ka joojisay in laga dhageysto labadan idaacadood Mowjadahan FM-yada ah ee ka furan goobahaas.

Idaacadahan ayaa waxaa dhageysta dad badan oo Soomaali ah, kuwaasoo kala socda wararka, iyadoo BBC-du aysan weli ka jawaabin hadalkaan kasoo baxay Xarrakatul Shabaab ee ku wajahan Tifaftiraha Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya