Sabti, 24, April, 2010 (HOL) Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa maalintii shalay la wareegay degmada Ceel-dheer oo noqoneysan degmada Sadaxaad oo ay la wareegeen Al-shabaab kadib dagaallo culus oo maalmihii aynu soo dhaafnay ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud iyaga iyo Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.
Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxamaan Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa isaga oo ka hadllaya is balaarinta ay sameeyeen Xoogagga Al-shabaab waxaan uu sheegay in aysan jirin deegaanno ay la wareegeen ama ay xoog ku qabsadeen laakiin Saraakiisha Culima'udiinka Ahlu Sunna ee horkacaya Ciidamada qaateen talaabo Militari oo sida uu sheegay la doonayo in lagu wiiqo awooda Al-shabaab taasoo keentay ayuu yiri in loo baneeyo qaar ka mid ah deegaannadii lagu dagaallamay.
Waxaa uu intaa ku darray Abuu Yuusuf Al Qaadi in saacadaha soo socda la maqli doono sida uu hadalka u dhigay jab iyo dhar baaxo loo geysto sida uu yeegay Ciidamada hadda gacanta ku haya deegaannada lagu dagaallamay, isaga oo intaa sii raaciyay in maalmaha soo socda Xoogagga Ahlu Sunna ka qudbeyn doonaan degmada Ceel-buur oo ah halka ay ugu xooga badan yihiin Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ku sugan Goballka Galgaduud.
Mar wax laga weydiiyay wax ka jirra in uu jirro iska war qabin la'aan u dhaxeysan kooxaha deegaannka ee dagaallka ku la jirra Al-shabaab iyo Saraakiisha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugan Goballada dhexe waxaa uu sheegay arrintaasi tahay waxba kama jiraan islamarkaana ay isku xirran yihiin dadka deegaannada dagaalladu ka socdaan iyo Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.
Dhinaca kale Af-hayeenka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab Shiikh Cali Max'uud Raagge (Shiikh Cali Dheere ) ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan inta badab sida uu hadalka u yiri deegaannadii ugu waaweynaa ee gacanta ugu jirra Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana uu intaa raaciyay in ay hadda ku sii jeedaan qeybaha harsan ee Goballka Galgaduud gaar ahaan ayuu yiri degmooyinka dhinaca Laamiga xigga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Saraakiisha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljamee ka hadashay is balaarinta A-shabaab ee Goballka Galgaduud.
More News
- Soomaaliya oo usoo baxday wareega 2-aad ee CAF U 17
- Ciidamada Amaanka Deegaanka Saakow oo gacanta ku dhigay Nin ku eedeysnaa in uu geystay Fal Dil ah.
- Kooxda Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee da'doodu ka yartay 17 oo u gudbay wareega labaad
- Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan oo sheegay in uu isku soo dhiibay mid ka mid ah gadiidka dagaallka Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.
- Ciidamada AMISOM oo saldhig ka sameystay Bankigii Ganacsiga Muqdisho iyo Hotel Curuba oo laga saaray dad barakayaal ah
- Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sababay dhimasho iyo dhaawac
- SHEEKH AADAN MADOOBE: "Waxaan ahayn guddoomiyaha sharciga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, mana jirto sabab igu kalifaysa inaan iscasilo"
- Taliska Boliska Puntland oo Sheegay in Maxkamada La soo Taagayo Ragg loo Haysto Falal argagaxiso.
- Baarlamaanka dalka Musambiik oo ka codsaday dowladdooda inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya
- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan oo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay khilaafka u dhexeeya Xildhibaannada Baarlamaanka
- Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc oo cambaareeyay falalkii lagu dilay shaqaale dayactir ka yahay Baarlamaanka Soomaaliya