4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2009
Qaar ka mid ah Wariyayaashii shaqo joojinta sameeyay oo dib u shaqo bilaabay

Axad, October 25, 2009: Waxaa dib u shaqo bilaabay qaar ka mid ah Wariayayaal horay u sameeyay shaqo joojinta ee ka howlgeli jiray Idaacado ku yaalla Magaalada Muqdisho.

 

Wariyayaashan ayaa shaqadii ay hayeen joojiyay  kaddib markii madax iyo wariyayaal Idaacadeed lagu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoo dilka madaxdaas iyo Wariyayaashaas Idaacadeedna ay isu tuurtuureen dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

 

Waxaa ka mid ah Wariyayaashan dib u shaqo bilaabay C/raxmaan Yuusuf Shiikh Al-Cadaala, Maxamed C/llaahi Xaaji, C/llaahi Kulmiye Caddow, Maxamed Abuukar Ma’da, C/Casiis Maxamuud Guuleed Afrika iyo Majaajiliiste Cabdulle Cabdi Maxamuud (Oday Cabduule) oo isna shaqo joojin ku dhawaaqay markii ay Wariyayaashan shaqada ka tegayeen.

 

Haddaba Idaacaddee ka shaqo bilaabeen Wariyayaashan?.

 

Waa su’aal la isweydiin karo. Waxay ka shaqo bilaabeen Idaacadda Radio Muqdisho oo ku hadasha afka Dowladda Soomaaliya, taasi oo ay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka dhegeystaan Mowjadda FM-ka ee ah 90.0 MHz.

Idaacaddan FM-ka ah ee 90ka MHz ah waxaa lahaan jiray Ganacsade Bashiir Raage, waxaana ka soo qaatay oo kala soo wareegay Maxkamadihii Islaamka ee dagaalka la galay Hoggaamiye kooxeedyadii uu ka midka ahaa. Kaddibna waxaa Idaacaddan sideeda ula wareegtay Dowladdii  TFG-da ee ay hoggaaminayeen Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Prof. Cali Maxamed Geeddi oo kaashanayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka itaal roonaaday Maxkamadihii Islaamka. Idaacaddii oo sideedii ahna waxaa maamulkeeda la wareegay Dowladda TFG-da ee ay madaxda ka yihiin Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashdiid.

 

Wariyayaashan iyo Idaacaddan oo hoosta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay u shaqeeyaan si la yaaban yihiin dadka Muqdisho, waxaana la yaabkaas keenay iyadoo ay Idaacadda tebineyso warar dhexdhexaad ah oo xitaa ay sheegeyso wararka ku saabsan tacaddiyada ay sameeyaan Ciidamada Dowladda, sidoo kalena ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay ugu yeereyso magacyada loo yaqaan sida Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Sida aan ka helnay ilo ku dhow dhow Wasaaradda Warfaafinta, waxay Dowladda Soomaaliya qorsheyneysaa in ay Idaacaddan awoodda u kordhiso, isla markaana ay Sattelite-ka geliso, si ay u dhegeystaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caalamka daafahiisa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya