4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2009
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Magaalada Marka ku toogatay labo Wiil oo ay Jaajuusnimo ku eedeysay

Axad, October 25, 2009(HOL): Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay maanta xukun dil ah ku riday, kuna fulisay labo wiil oo dhalinyaro ah oo ay ku soo eedeysay in ay jaajuusiin ahaayeen.

Labadan wiil oo lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Xuseen iyo Xuseen Abba Cali ayaa waxay ahaayeen Reer Marka iyo Reer Muqdisho, waxayna xarakadu sheegtay in ay dembigaas qirteen wiilasha la dilay.

Fulinta Xukunka dilka ah oo ka dhacay Barxadda Dekedda Macmalka ah ee Magaalada Marka ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u badan oo ku nool Magaaladaas, kuwaasi oo qaarkood ay si weyn uga xumaayeen dilka dhalinyaradaas lagu fuliyay.

Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose  oo uu dilkan ka dhacay ayaa waxaa gacanta ku haya maamul hoostaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, kaasi oo magaaladaas ka ceyrsaday maamul hoos imaanayay Dowladda Soomaaliya.

Dilka ay Xarakada Al-Shabaab ku fulisay wiilashan dhalinyarada ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan sidoo kale xukun noocan oo kale ah ay xarakadu ku riday kuna fulisay labo Nin oo iyana jaajuusnimo ugu eedeysnaa Al-Shabaab.

Maxkamadda xukuntay raggan iyo kuwii ka horreeyay ayaa waxaa leh Xarakada Al-Shabaab, waxaana xukunka ay soo saartay fuliyay dhalinyarada Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya