4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2009
Kenya oo sheegtay in gudaha dalkeeda si qarsoodi ah ciidamo boolis ah loogu tababarayo Dowladda Soomaaliya

Axad, October 25, 2009(HOL): Dowladda Kenya ayaa si qarsoodi ah gudaha dalkeeda ugu tababareysa Ciidamo Boolis ah oo loo diyaarinayo Dowladda Soomaaliya, iyadoo tababarkaasna ay Waaxda Difaaca Dowladda Kenya ku sheegtay mid loo maray heshiisyo caalami ah, waxayna Kenya beenisay in dhalinyaro laga qoray gobolka W/Bari-Kenya loo tababarayo Dowladda Soomaaliya.

Afhayeenkan u hadlay Waaxda Gaashaandhigga Kenya oo lagu magacaabo Bogita Ongeri  ayaa wuxuu beeniyay in Ciidamada la tababarayo ay yihiin kuwo laga keenay Soomaaliya, isla markaana aysan ahayn ciidamo laga qoray gudaha dalka Kenya.

“Mileteriga Kenya ma sameynin wax ka baxsan waajibaadka UN-ka iyo AU-da, gaar ahaan marka ay timaado in Dowladda Soomaaliya lagu caawiyo in ay sharcigii iyo kala dambeyntii soo celiso”ayuu yiir Bogita Ongeri oo intaas ku daray in ay sii wadi doonaan tababaridda ciidamada booliska Soomaaliya.

Mr. Ongeri oo u warramayay Jariidada Daily Nation waxaa uu ka gaabsaday in uu sheego in halka Ciidamada loogu tababarayo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in meesha tababarka ka socdo loo qariyay sababo dhinaca ammaanka ah dartood.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Afhayeenkan u hadlay Waaxda Gaashaandhigga Kenya ayaa wuxuu ku cel celiyay in aysan waxba ka jirin in Dad Somali-Kenyan ah lagu tababarayo gudaha Kenya, isla markaana loo diyaarinayo in ay Ciidamo u noqdaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ciidamada la tababarayo ay yihiin kuwo Soomaali ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya