4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2009
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay in labada bilood ee soo socda la geyn doono Soomaaliya Ciidamo Afrikaan ah oo hor leh

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya -Cali Axmed Jaamac Jengeli
Axad, October 25, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo u warramayay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa shaaca ka qaaday in labada bilood ee soo socota la geyn doono Soomaaliya ciidamo Afrika ah oo hor leh.

“Waxaan rajeyneynaa in labada bilood ee soo socota ay walaalaheena Afrika ay soo dhameystiri doonaan ciidamadii dheeraadka ahaa ee laga filayay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli.

“Waxaa jira dalal sheegay in ay soo diri doonaan Ciidamo hadda tababar ku jira oo ay Qaramada Midoobay tababareyso, kuwaasi oo tababarka ka hor aan khibrad fiican u lahayn howlaha nabad ilaalinta”ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Dibadd Soomaaliya.

Waxaa jiray dalal badan oo horay u ballanqaaday in ay ciidamo u dirayaan Soomaaliya, hayeeshee qalalaasaha ku soo kordhay dalka Soomaaliya aawgiis dib u dhigay ciidamadii ay  diri lahaayeen. Dalalkaas waxaa ka mid ah Nigeria, Ghana, Malawi, Siera Leone iyo Jibouti.

Ilaa iyo haatan waxaa Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ku sugan ciidamo 5,000 oo askari gaaraya, kuwaasi oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi, waxayna Ciidamadaas hadda ku kooban yihiin Nabad ilaalin, iyagoo si gaar ah u suga ammaanka Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4 oo isu socodka mas’uuliyiinta Dowladda muhiim u ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya