4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2009
Taliyihii Ciidamada Maamulkii Islaamiga Goballka Hiiraan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
Axad, 25, Oct, 2009 (HOL) Ilo Xog-ogaal ah oo laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Xaafadda Suuqa Xoolaha ku dileen Taliyihii guud ee Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan Cali Max'ed Geeddi.
 
Marxuumka la dilay oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan ayaa waxaa uu ka mid ahaa Saraakiishii Maamulka Goballka ee shaacisay in ay isaga baxeen Dowladda Soomaaliya isla markaana ku biireen Ururka Xisbul Islaam, taasoo keentay in uu tago degmada Buula-burte oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
 
Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee hoos taga Ururka Xisbul Islaam Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo ka hadlay dilka Taliyihiin Ciidamada Goballka waxaa uu sheegay in uu socdo baaritaan la xiriira cidda ka dambeysay dilkiisa, isaga oo intaas ku daray in Cali Max'ed Geeddi oo uu ahaa xubin firfircoon oo qeyb weyn ka soo qaatay sida uu hadalka u dhigay sidii dalka looga xoreyn lahaa cadawga ku soo duulay.
 
Warar kale oo hoose ayaa iyaguna sheegay in marxuumka geeriyooday uu khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Ururka Xisbul Islaam islamarkaana uu ahaa maalmihii ugu danbeeyay shaqsi u jan jeera dhinaca Dowladda Soomaaliya.
 
Alle ha u naxariistee Cali Max'ed Geeddi waxaa uu door muuqda ku lahaa Maamulkii Islaamiga ahaa ee ka jiray Goballka Hiiraan gaar ahaan waxaa uu ahaa shaqsi si hagar la'aan ah ula shaqeeyay Dowladda Soomaaliya waqtigii Maamulka uu hogaamiyo Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu ku xirnaa Dowladda, waxaana uu ahaa hoggaamiyaha dagaallo dhowr ah oo lala galay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo weerarro is xig xigay ku soo qaaday qeybo badan oo ka mid ah Goballka Hiiraan.
 
Dhinaca kale Cali Max'ed Geeddi ma ahan Mas'uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan Maamulkii Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo la dilo tan iyo markii uu Macow ku dhawaaqay in uu ka baxay Dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in bartamihii bishii ina dhaaftay lagu dilay Magaalada Beledweyne madaxii wacyigalinta Maamulka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow kaasoo lagu magacaabi jiray Macalin C/salaan Aadan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]