4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2009
Wasiirka Beeraha Puntland oo ka digay in uu dabar go’o Geed-Timireed ka baxa Deegaanno ka tirsan Gobolka Bari


Axad, October 25, 2009(HOL): Wasaarada Beeraaha iyo Waraabka Puntland oo maanta ka digtay in uusan dabar go'in Geedka Tirmirta ee ka baxa Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bari.

Wasaaradda ayaa waxay walaac ka muujisay tacbasho la'aanta iminka ka muuqata dhanka wax soo saarka dadkii hore caanka ugu ahaa tacbashada Timirta oo ka mid ah Geed Miroodyada oo ay sida wayn Puntland ugu faanto.

Waxaana mar ay HOL waraysi la yeelatay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Xasan Cabdi Maxamed uu  sheegay in ay iminka aad u hoosayso wax soo saarkii dhanka Beeraha gaar ahaan Timirta oo ka baxda Deegaannada Laag, Caddayle iyo Galgala oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bari.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dalku uu caan ku ahaa tacbashada dalagga kala gedisan sida Digirta,Haruurka, Gallayda iyo Khudradda Cagaaran oo nooc kasta leh.

Wasiir Xassan Cabdi Maxamed ayaa waxa uu hadalkiisa ku daray in xataa aysan jirin iminka cid ku howlan arrintaasi sidii looga miro dhalin lahaa marka laga reebo Mashruucyo ay dhawaan halkaasi ka hirgalisay Haya'ada CEFA oo iyadu qaabilsan waxsoorka Timirta aduunka.

Wasiirka oo dhwaan safar ku tagay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa sidoo kale HOL uga waramay sababta safarkaasi ay ugu aadeen halkaasi, waxa uuna sheegay in ay casumaad ka heleen Haya'da FAO iyo kuwa kale oo ay ka mid yihiin UN Habitate,VSF Germany, EC iyo DRC oo uu sheegay in ay dhamaantood u balan qaadeen in ay wax kala  qabanayaan sidii sare loogu qaadi lahaa wax soo saarka Puntland.

Wasiirka ayaa wax uu ku baaqays in aan laga seexan dhanka tacbashada Beeraha oo uu sheegay in ay yihiin wax uu dal ku faano ee uu dalalka kale uga hormaro, ciddii yaraysatana  aysan waligeed heer ka gaarayn dhanka horumarka dalkeeda ee ay isu tagaan in ay dalkooda wax kala soo baxaan, si ay ugu manafacdaan jiilka xiga.

Ugu danbayntii wax uu wasiirku kula taliyay dadka reer Puntland in ay isugu tagaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen wax soo saarka dhanka tacbashada beeraha oo ay dhwanahan ka caajiseen, kadib markii dadkii beeraha tacbshadooda lagu yiqiinay ay ganacsi ku mashquuleen

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya