4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2009
Dowladda Soomaaliya iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka hadlay dagaallo shalay iyo maanta ka dhacayay Magaalada Muqdisho

Jimco, May 08, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay dagaalladii shalay iyo maanta ka dhacayay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaas wadaan dad sida uu yiri ka soo horjeeda in nabad la helo.

“Dagaalka waxaa wada dad ka soo horjeeda in nabad la helo, waxaana leenahay dadkaas dagaallada iyo shidada iska daaya oo ka shaqeeya in ay nabad iyo nolol helaan dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in dhawaanahan lagu waday Ciidamada iyo Saraakiisha Dowladda ee dhinaca Maxkamadaha ka yimid dilal iyo ugaarsi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan taasi ka shaqeyneynin maslaxad Ummadeed.

Shiikh C/qaadir Cali Cumar waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeeddo in dagaal xal lagu doono, wuxuuna caddeeyay in aysan ka leexan doonin  dhabaha nabad iyo dib u heshiisiin-ku-raadinta xalka mushkiladda Soomaaliya.

Dhanka kalena,  Wakiilka Gobolka Banaadir ee Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo isna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaallo shalay iyo maanta ka dhacayay magaalada Muqdisho ay u dhaxeeyaan Xoogaggooda iyo sida uu u yiri Dad Ashahaado la-dirir ah oo qandaraas cusub soo qaatay.

Shiikh Cali Maxamed Xuseen waxaa uu sheegay in aanu jirin wax dagaal ah oo dhexmaray Xoogaggooda iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in dadka ay la dagaallameen ay yihiin kuwo ay soo dagaalgeliyeen sida uu hadalka u dhigay qolyaha Dowladda sheeganaya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dilalkii dhawaanahan ka dhacayay Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyeen dadka weerarka ku soo qaaday xoogaggooda.

“Maxkamadaha Islaamka waxaa jiritaankooda ugu dambeysay xiligii 6-da bilood ahayd ee ay ka talinayeen Soomaaliya, markii ay Maxkamadihii burbureenna waa la kala tegay”ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo sheegay in aaney jirin cadaawad gaar ah oo ay u hayaan Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

Ugu dambeyntiina, hadallada ay  sii daayeen  Mas’uuliyiintan u kala  hadlay Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo shalay iyo maanta ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaallo la sheegay in ay u dhaxeeyaan Xoogagga Al-Shabaab iyo kuwo taabacsan Maxkamadaha Islaamka, waxayna dagaalladaas geysteen dhimashada iyo dhaawaca dad aad u tiro badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya