4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2009
Xiisad Colaadeed oo weli ka taagan Xaafadihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ee Magaalada Muqdisho

Jimco, May 08, 2009(HOL): Xaafadihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka jirta xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Xoogagga Al-Shabaab iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka.

Xaafado ka tirsan Degmooyinka  Hodan iyo Wardhiigley, gaar ahaan qeybaha ku aadan Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha ayaa waxaa laga dareemayaa cabsi, waxaana xaafadahaas ka istaagay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, iyadoo gaadiidkii waddooyinkaas isticmaali jirayna ay haatan si qardo-jeex ah u marayaan waddooyinka jid-carriga ah ee xaafadaha dhexdooda ah.

Dadka degan Degmada Huriwaa ee u shaqo taga Suuqa Bakaaraha oo aan qaarkood la kulannay ayaa waxay sheegeen in markii ay arkeen gaadiidka xaafadaha dhexdooda maray ay soo xusuusteen xilligii ay Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka Warshadaha iyo 30-ka.

Xiisaddan ayaa waxay oogantay kaddib markii sarkaal ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo gaari la socday lagu weeraray nawaaxiga Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan, iyadoo halkaasina ay dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay.

Dagaal labada dhinac shalay dhexmaray ayaa waxaa ku geeriyooday dad shan ruux gaaraya, halka warar aan ka helnay Isbitaallada Muqdisho-na ay sheegayaan in ay dagaalkaas siyaabo kala duwan ugu dhaawacmeen dad gaaraya 55 ruux, kuwaasi oo dhamaantood rayid ah.

Haddaba si loo joojiyo dagaalladan ayaa waxaa isa soo taraya baaqyo nabadeed oo ay jeedinayaan Waxgarad iyo Culumaa’udiin ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dalbanaya in dagaalka la joojiyo, isla markaana laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.

Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ah Guddoomiyaha garab ka mid ah Xisbul Islaam ayaa ugu baaqay dhinacyada xiisadda colaadeed ugu dhaxeyso Magaalada Muqdisho, wuxuuna dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay in ay ka wada hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan.

“Diyaar ayaan u nahay in aan dhigno gogol ay Mujaahidiinta iska soo horjeeda uga hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan, iyagana waxaan leenahay Alle ka baqa oo joojiya dagaalka aad iskala soo horjeeddaan oo ay dhici karto in ay dad rayid ah dhibaato ka soo gaarto”ayuu yiri Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya