4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2009
Dagaal sababay Dhimasho oo ka dhacay meel u dhow Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

Jimco, May 08, 2009(HOL): Dagaal sababay Dhimashada hal qof ayaa maanta ka dhacay Tuulo ka agdhow Magaalada Afmadow ee Gobolka J/hoose, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.
 
Dagaalkaan oo ka dhacay tuulada lagu magacaabo Kala-Jeex oo u dhaxeysa Tuulada Guduudey ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose  ayaa u dhexeeyay laba beelood oo Xoolo dhaqato ah oo ku wada nool Deegaankaasi.
 
Isku dhacaan ayaa yimid kadib markii la isku khilaafay waro biyood halkaasi ku yaalla oo ay labada dhinacba sheeganayaan mulkiyadda Waro biyoodkaasi, taasi oo aysan suurto galin in is-fahan lagu dhameeyo markii hore.
 
C/qaadir Shiikh Maxamed oo ah guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee magaalada Af-madow   ayaa sheegay in ay ciidamo u direen meelihii ay dagaalladu ka dhaceen maanta isla markaasna ay doonayaan in ay waan waan ka dhex sameeyaan beelihii halkaas ku dagaalamay.
 
Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya