4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2009
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ugu baaqay Xoogagga Muqaawamada ee ku sugan Muqdisho in ay joojiyaan dagaallada u dhaxeeya

Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali
Jimco, May 08, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay Xoogagga Muqaawamada ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho in ay joojiyaan dagaalka u dhaxeeya, isla markaana ay ogolaadaan in laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.

Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay dagaalladan yihiin kuwo aan la fileynin in ay dhexmaraan xoogaggii muqaawamada ahaa ee dagaalka la galay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku soo duulay Dalka Soomaaliya.

“Haddii aad Alle ka baqeysaan oo aad diin sheeganeysaan joojiya dagaalka macno la’aanta ah ee aad isku qaadeysaan, ogolaadana in la idin dhexgalo oo xal loo helo waxyaabaha aad isku heysaan”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in dagaalkii shalay dhacay ay dad ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, halka uu xusay in haddii dagaalka sii socodo uu keeni doono  in ay dhimasho iyo dhaawac kale yimaadaan.

“Annaga sidii aan weligeen nabad ugu baaqi jirnay ayaan mar kale ku baaqeynaa, waxaana leenahay looma baahna dagaal kale oo ka dhaca magaalada Muqdisho oo dadka ku nool ay muddo dheer ku soo jireen dagaallo khasaare nafeed iyo kuwo hantiyeed geystay”ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Diiriye Cali.

Baaqan dagaal-joojinta ah ee uu sii daayay Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaal khasaare geystay, kaasi oo dhexmaray xoogag kala taabacsan Maxkamadaha Islaamka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya