4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2009
Horyaalka 3aad ee Kubbad-Xeebeedka Laliska Soomaaliya oo la soo gebagebeeyay


Jimco, May 08, 2009(HOL): Waxaa  saaka la soo gebagebeeyay Horyaalkii 3aad ee Kubbad-Xeebeedka Laliska (Beach Volley) ee Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgaleen  8  kooxood oo wiilal heerka koowaad  ah.

Horyaalkan oo soo socday intii u dhaxeysay   3-dii ilaa 8-dii May 2009, isla markaana lagu ciyaarayay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho  ayaa waxaa ciyaartii kama dambeysta ahayd isugu soo haray Naadiga Dekedaha iyo Naadiga  Dowladda Hoose, waxaana ku guuleystay Horyaalka Naadiga Dowladda Hoose oo la yimid 42 dhibcood (oo sadkii koowaad iyo midkii labaad ah), halka Naadiga Dekedahana uu la yimid 33 Dhibcood (oo sadkii koowaad iyo midkii labaad ah).

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee  Laliska Prof. Maxamed Cali Caddow
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed e Kubadda Laliska Prof. Maxamed Cali Caddow ayaa markii uu tartanka soo dhamaaday kadib waxaa uu HOL u sheegay in tartanka uu ku soo dhamaaday si guul leh, wuxuuna mahadcelin u jeediyay Kooxihii, Macallimiintii iyo Garsoorayaashii suurtageliyay in uu tartanka socdo iyo weliba dadweynihii u soo daawasho tegi jiray.

Prof. Caddow waxaa uu sheegay in Xiriirkooda uu qabto Tartamo kale oo lagu qabto Garoonka 1-da Luulyo, wuxuuna caddeeyay in sababta ay tartankan ugu qabteen Xeebta Liido ay ahayd iyadoo Horyaalkan uu ahaa tartan Xeebeed Kubadda Laliska ah  (Beach Volley).

Sidoo kalena, Guddoomiyaha Xiriirka Laliska waxaa uu caddeeyay in Bisha 10aad ee isla sanadkan la qaban doono Tartan Xeebeed kale oo Kubadda Laliska ah, iyadoo qabashada tartankaas looga gol leeyahay in dhalinyarada lagu baraarujiyo Tartan Xeebeedka Kubadda Laliska (Beach Volley).

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Lalista ayaa wuxuu ka mid yahay Xiriirka ugu firfircoon Xiriirrada Soomaaliyeed ee hoosyimaada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, wuxuuna leeyahay taageerayaal faro badan oo xiiseeya ciyaaraha uu qabto.






Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya