4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2009
Ciidamada Spain ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya oo qabtay Rag loo shakisan yahay in ay Burcad Badeed yihiin

Jimco, May 08, 2009(HOL): Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Spain, isla markaana ka mid ah Ciidamada Dowladaha Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay qabteen rag looga shakisan yahay in ay yihiin Burcad Badeed, kuwaasi oo isku dayay in ay weeraraan Markab Ganacsi oo marayay Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Spain ayaa waxay howlgalka sameeyeen kadib markii ay soo waceen shaqaale la socda Markab lagu magacaabo Anny Petrakis kaasi oo  watay Calanka Malta, kaasi oo ay soo hujuumeen Kooxo Burcad Badeed ah.

Diyaarado Helicopters ah oo laga dul-kiciyay Markab Dagaal oo ay Spain leedahay ayaa wuxuu dhiciseeyay qorshihii ay ku doonayeen in ay ku qabsadeen Markabka ganacsi. Ragga looga shakisan yahay in ay Burcad Badeedka yihiin ayaa markii ay arkeen Diyaaradaha Helicopters-ka waxay isku dayeen in ay baxsadaan balse taasi waa ay suurtageli weysay.

Xaakim u dhashay dalka Spain ayaa faray Wasaaradda Gaashaandhiga Spain in 7 Burcad Badeed ah oo ay dhawaan qabteen Ciidamada Spain la horkeeno Maxkamad ku taalla Spain si su’aalo loo weydiiyo. Ciidamada Spain ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay ka qeybqaadanayaan howlgal loogu magac-daray Atalanta kaasi oo lagula dagaallamayo Kooxaha Burcad Badeedka ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya