4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2009
Koobka WANKA oo lagu qaban doono magaalo madaxda Gobalka Hiiraan ee Beledwayne


Jimco, May 08, 2009(HOL): Waxaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan lagu qaban doono  bisha maarso 15/05/09 haddii Eebe idmo koobkii Nabadda, koobkaas oo loo yaqaan koobka Wanka oo ayna ku tartami doonaan Degmooyinka  Buulo Burte iyo Beledweyne.

Waxaa sanadkaan koobka Wanka xaga  qalabka Sportiga ugu deeqay Gobolka Hiiraan Ururka Leicester stars Gudoomiyahooda  Abdullahi Saney iyo ku xigeenkiisa Omar Jama. waxaa kaloo gacan ka geystay Hiiraan Online oo had iyo jeer diyaar u ah horumarinta Gobolka, isla markaana waxaa fikrada qabashashada koobka leh ciyaartooydii hore ee Gobalka Hiiraan eek u dhaqan dalka Ingiriiska..

koobkan Wanka oo dadka Hiiraan ku dhaqan ay si wanaagsan taariikh ahaan  u yaqanaan ayaa noqonaya markii labaad  in lagu qabto Gobalka Hiiraan, halka marka hore lagu qabtey magaalada Beledwayne laakinse sanadkaan ayaa waxa isaga hor imaan doono magaalooyinka Beledwayne iyo Buulo Burte sida uu ii sheegay Guddoomiyaha qaban qaabada tartanka Wanka  mudane  Muse Axmed Sabriye oo ka mid ahaa ciyaartooydii Gobalka Hiiraan iyo naadiyada Kubadda Kolayga heerka kowaad ee dalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada London  in ay qorshaynayaan sanadka dambe  in tartanka Wanka ku baahin doonaan dhamaan Gobalka Hiiraan, isla markaana  ay ka soo wada qayb gali doonaan degmooyinka Gobalka Hiiraan guud ahaan si tartanka Nabadda loogu baahiyo gobalka .
 

Waxaa soo qabanqaabiyey koobkan cayaartoydii hore gobolka.

Gudoomiyaha koobka Nabada ama koobka Wanka 2009 mudane Muuse Axmed Sabriye
1-Cabdiraxmaan  Maxamuud Guhaad [Shiino]
2-Axmed Ilmi Faarax
3-Cabdulqaadir Maxamed Faarah [Biriq]

Fiiro gaar ah: Koobka Wanka  oo lagu qaban doono magaalo madaxda Gobalka Hiiraan iyo ciyaarta dhaxmari doonto kooxaha Baladwayne iyo Buulo Burte dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa hadii Eebe idmo.
 
Wixii talo ah ama taageero ah kala soo xiriir  gudiga qaban qaabada koobka Wanka taleefinada [Shiino 07949240665][biriq 07939163431].


Yusuf M. Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
[email protected]
Nijmegen, Holland