Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo Hub laysula baxay maanta (DAAWO SAWIRRADA)
Talaado, 8 September 2009 (HOL): Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee maanta, ayaa natiijo-la’aan ku dhammaaday, ka dib markii uu hadheeyay Dagaal gacanta laysula tegay.
Fadhigan maanta oo qurshuhu ahaa in la gudo-galo Doodda Mooshin ku saabsan xil-ka-qaadista Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, ayaa buuq galay ka dib markii La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golahaasi uu halkaas ka sheegay in ay Mudanayaasha soo jeediyay Mooshinkani xaq u leeyihiin, isla markaana ay sharci tahay in laga doodo Mooshinka xil-ka-xayuubinta. Waxaanu intaa raaciyay la-taliyuhu in Mooshin kale oo isna Mudanayaal Golaha ka tirsani soo jeediyeen oo ah wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha ay xaq u leeyihiin oo kaliya Guddida Joogtada ahi. Taas oo ay ka biyo-diideen Mudanayaasha Muxaafadka ee Mooshinkaa dabada ka waday.
Fadhigan ayaa khalkhal galay, isla markaana waxa dhacday in Xildhibaan ka tirsan Xisbiga UDUB o lagu magacaabo Cabdiraxmaan-Xoog uu la soo baxay Bastoolad, iskuna dayay in uu ku dhufto Mudane kale oo dagaal dhex maray. Hase ahaatee, taasi uma suurtogelin ka dib markii ay ka kaddibtay ama ay u dhici wayday.
Buuq badan oo Golaha hadheeyay ka dib, waxa la xidhay Fadhigii Golaha, waxaana Madasha Golaha la wareegay Ciidamo tiro badan .

Halkan kala soco wixii ka soo kordha…
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland