4/8/2025
Today from Hiiraan Online: Farmaajo demands probe into death of detained officer Sheego...
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2009
Boqor C/llaahi Boqor Muuse (King Kong) oo ku soo laabtay Puntland isagoo loo soo doortay Xoghayaha Guud ee Boqorrada Afrika

Sabti, September 26, 2009(HOL): Boqorka C/llaahi Boqor Muuse oo ku maqnaa ka qeyb galka shirka Boqorada Afrika ee ka dhacay dalka Libiya ayaa dib ugu soo laabtay Puntland, gaar ahaan magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaas oo uu iminka ku sugan yahay.

Waxa uu boqorku ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Bandar Qaasim ee magalaada Boosaaso intii uusan u gudbin Qardho, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirasan xukumada Puntland,Salaadiinta iyo nabadoonada gobolka Bari.

Boqorka ayaa intii uusan Qardho aadin wuxuu  khado sharaf ugu sameeyay Hotelka Panarama ee ku yalaa magaalada ganasicaga u ah Puntland ee Boosaaso dhamaan Oday dhaqameedyada, Salaadiinta Iyo Nabadoonnada gobolka bari, halkaas oo uu warbixin ku saabasan kulankii uu ka soo qeyb galay ku siiyay.

Waxa uu Boqor C/llaahi sheegay in loo soo doortay xog-haya guud ee Boqorrada Qaarada Afrika, isla markaana uu gobolka dib ugu soo laabtay sidii uu qeyb weyn uga noqon lahaa  dib u heshsiinta labada beelood ee isku haya Ufayn, sida uu Afhayeenka Isimada Gobolka Bari Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi u sheegay HOL mar ay uu waraysi siinayay.

Afhayeenku waxa kaloo uu si toos ah u sheegay in uu Boqorku markiiba u gudbay gobolka Karkaar magaaladiisa  Qardho uuna dib ugu soo laabanayo gobolka Bari si uu arinta Ufayn kulan gaar ah ugala qaato beelaha ay khusayso oo mid ka mid ah masuulkoodu uu ku maqan yahay Dalka Iskutaga Imaaradka Carabta gaar ahaan Dubia.

Dhanka kale waxaa isna warbixin kooban HOL ka siiyay imaatinka Boqorka Afhayeenka nabadoonada gobolka Bari Nabadoon C/casis Afgaduud oo isaguna ka qeyb galay khado sharaftii uu boqorku u sameeyay Oday-dhaqameedyada iyo Salaadiinta Gobolka Bari.

Afhayeenka waxaa uu sheegay  in ay boqorka warbixin ka siiyeen xaaladda guud ee gobolka halka ay haatan marayso, waxaa kale oo uu nabaddoonku hadalkiisa raacshay in ay boqorka ugu hanbalyeeyeen xilka qaaliga ah ee loo magacaabay iyo in ay taageersan yihiin ka nabaddoono ahaan mowfiqka uu Mucamar Al-Qadaafi iska taagay burcad badeedda Soomaaliya ayna soo dhawaynayaan xilka loogu doortay  Mucamar Al-Qadaafi in uu noqda Boqorka Boqorrada Qaaradda Afrika.

Imaatinka Boqorka Puntland ayaa ku soo beegmayasa xili uu madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ku sugan yahay magaalada ganasicaga u ah Puntland ee Boosaaso, halkaas oo uu u tagay xalinta iyo nabadaynta beelaha walaalaha ah ee dhawaan ay dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ufayn.

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
maxamedroyter@hotmail.com
Garoowe, Soomaaliya