Dadka Deegaanka Xaafuun oo isku xilqaamay sameynta Waddo Dhererkeedu yahay 54km (DAAWO SAWIRRADA)

Jimco, September 25, 2009(HOL): Dadka Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa waxa ay si xilkasnimo ku jirto isku xilqaameen sameyn wado dhererkeedu yahay 54km , iyadoo dadka degmada dhibaato aad u xoogan ay ku qabeen wadada oo afar illaa shan maalmood loo soconayay gaaris deegaanka Xaafuun.
Guddoomiyaha Degmada Xaafuun Maxamed Yuusuf Garow (Booliwade) iyo dadka deegaanka oo aan u kala harin isimo iyo nabaddoono ayaa waxaa dadaal baaxad leh u galeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen dhibaatada wado xumidda waxayna illaa iyo iminka xaqiijiyeen hagaajinta wado dhererkeedu yahay 10km .
Ma jiraan wax gacan ah oo ay dadka deegaanka Xaafuun ka haleen dhinaca dowladda Puntland iyadoo ay jiraan gacan ay weydiisteen hay`adda WFP oo aan weli isna soo gaarin waxaana si iskaa wax u qabso ah dadka xaafuun ugu dadaalayaan sidii ay uga miradhallin lahaayeen hadafkooda ah helidda wado wanaagsan kana dhow waqtigii ay ku qaadan jirtay tegidda degmada xaafuun markii hore .
Dhinaca kale qaar ka mid ah Nabaddoonada Degmada oo ay ka mid yahiin Nabaddoon Cali Maxamed Sharmaarke iyo Nabdoon Cabdi Axmed Maxamuud (Islaweyn) oo u waramayay website-kan ayaa u sheegay in dad ka soo jeeda gobolka iyo dadka danaynaya horumarka iyo samafalka inay gacan ka siiyaan howsha ay u sarakaceen dad degmada Xaafuun .
Si kastaba ha ahaatee waa talaabo lagu farxi karo islamarkaasna ku dayasho mudan dadaalka ay dadka Degmada Xaafuun ay ku samaynayaan wado dhererkeedu yahay 54km iyadoo hore ay wadadaasi u xireen bacaad baaxad weyn.





NB. Haddii Aad Gacan Ka Gaysnayso Kala Xiriir
Suldaan Raage Sheekh Maxamuud
raage1968@hotmail.com
+2529-796373 /+2526-6796373