Qof ku dhintay Rasaas ay fureen Ciidamada Booliska Soomaliland oo kala eryayay dad ku soo xoomay Xarunta Golaha Wakiillada
Sabti, September 12, 2009(HOL): Hal Qof ayaa dhintay, tiro kalena, dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib markii dad ku soo xoomay xarunta Golaha Wakiillada ay rasaas ku fureen ciidamada Booliska Somaliland.
Rasaasta ayay ciidamada fureen kaddib markii Dadweyne careysan ay ku soo xoomeen Xarunta Golaha Wakiillada oo ay Ciidamada Booliska diideen in ay saaka galaan Xubnaha Golaha Wakiillada.
Xaaladad ayaa haatan kacsan waxayna Ciidamada Booliska ee ku sugan nawaaxiga Xarunta Golaha Wakiillada ay ridayaan rasaas laga maqlayo meelo kala duwan oo magaalada ah.
Wixii ku soo kordha Xiisadda ka taagan Magaalada Hargeysa kala soco halkan kaddii Alle idmo.
Barqad M. Kaariye, Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland