![]() |
| Dhaawac culus oo Mudisho ku soo gaaray Axmed Maxamed Maxamuud oo 8 sano jir ah |
Cabdi Muuse Maaxaay waxaa uu sheegay in wiilkaas oo daaweyn dheer u baahan la daweyn karo haddii buu yiri ay dadka Soomaaliyeed dhaqaale u uruuriyaan si loo keeno wadamada horumaray.
Cabdi Muuse Maaxaay oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da waxaa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta, gaar ahaan ganacsatada in ay u gurmadaan wiilkaas, isla markaana ay fududeeyaan in wiilkaas la geeyo dal horumaray oo lagu daweeyo.
“Qof kasta oo Soomaali ah oo damqanaya dhibka soo gaaray wiilkan wuxuu bixin karaa wixii uu awoodo, 5$, 10$, 20$, 30$, 50$ iyo wixii kale ee uu awoodo. Ha isdhihin lacag yar oo aad bixiso waxba ma tareyso”ayuu yiri Cabdi Muuse Maaxaay.
Cabdi Muuse Maaxaay waxaa uu intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed haddii ay arrintan si deg deg ah ugu guntadaan ay saamixi karaan in wiilkan daweyn dibadda ah oo deg deg ah loo helo, wuxuuna caddeeyay in waalida wiilkan oo uu la xiriiray uu u sheegy in ay baasaboor u sameeyaan wiilka iyo qofkii raacaya.
Hadii aad rabtid inaad caawinaad ka gaysatid arinkaan fadlan la xariir
Aabiyo Isse @ 612-298-1044 oo joogta Magaalada Minneapolis MN
Hadii aad joogtid Ohio Fadlan la xariir Luul Abdirahman @614-515-1389
Hadii joogtid Haddii joogtid Magaalda Nashville Fadlan la xariir Qali Salaad @ 615-554-4398
Maryan Hilowle oo joogto Toronto 416-742-3852 Canada
Maryan Mahdi Ottawa 613-261-0708
Hassan Ali Edmonton 780-965-5093
Abdiaziz Shire oo joogo California 619-254-3294
Osman Galacad 612-483-7149 Chicago
Ama la xariir [email protected]
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
