Arbaco, 28, Oct, 2009 (HOL) Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo kol hore sheegay in uu ku biiray Ururka Xisbul Islaam ee ka mid ah Ururrada ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa warar hoose oo soo baxaya waxaa sheegayaan in uu mad madow uu soo kala dhaxgalay isaga iyo Saraakiisha Xisbul Islaam ee ku sugan Magaalada Beledweyne.
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow iyo Saraakiishi Xisbul Islaam ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayeey wararku sheegayaan in ay isku khilaafeen arrimo la xiriira Maamulka Magaalada Beledweyne, waxaana ay wararku intaa ku sii darayaan in Saraakiisha sar sare ee ku sugan Magaalada ku amreen Guddoomiyaha in uu iska soo wareejiyo gaadiidkiisa dagaalka.
Sida Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhw Maamulka Goballka u sheegeen HOL waxaa la filayaa in dhawaan Magaalada soo gaaraan Xubno sar sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam kuwaas oo lagu wado in ay dhisaan Maamul aan aheyn kii horay uga jiray Magaalada ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo maalintii shalay u amba baxay deegaannka lagu magacaabo Goobo oo ku dhaw degmada Maxaas ee Goballka Hiiraan lamana oga sababta keentay in Guddoomiyaha gaaro deegaannka Goobo oo ay ku sugan yihiin Ciidamo gacan saar la leh Urur diimeedka Ahlu Sunna Waljameeca.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Ma dhab baa in khilaaf soo kala dhexgalay Saraakiisha Xisbul Islaam iyo Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow?
More News
- Nin Lacagta la dhaqo ee Doollarka ah lagu soo qabtay oo Maxkamad lagu soo taagay Magaalada Garowe (DAAWO SAWIRRO)
- Soomaalida ku nool Uganda iyo kuwa doonaya in ay galaan oo il gaar ah lagu eegayo
- Nabaddoon Caan ah oo Boosaaso lagu xiray
- Maamulka Puntland oo Shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo ku eedeeyay Maamulka Gal-Mudug
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay
- Gabar yar oo duleedka Hargeysa uu Dhiigga kaga jaqay Nin aan la aqoonsan & Booliska Somaliland oo ka hadlay
- Ka qeyb qaado dhismaha Masjidka Carabta ee Magalaada Beledweyne (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxweynaha Yemen oo Calaamka ugu baaqay in la taageero Dowladda Soomaaliya
- Ciidamada Amisom oo ka baxay xeryihii ay ku jireen, kuna siqay deegaanno hor leh oo ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag