5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 22, 2009
MADAXWEYNE-XIGEENKA SOMALILAND: “Shariif Sh. Axmed waxaan u jeedinayaa in uu taageero Ahlusuna-Wajamaaca”=WAREYSI=


Madaxweyne ku xigeenka Somaliland- Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wariyaha Hiiraan Online ee Somaliland Barqad M. Kaariye/ SAWIRKA: HOL


Khamiis, 22 October 2009 (HOL): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaaladda Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana wuxuu baaq u jeediyay Madaxweynaha Dawladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo toddobaadkan u waramay Weriyaal uu ka mid yahay Wakiilka Shabakadda HIIRAAN ONLINE ee Somaliland Barkhad M. Kaariye, ayaa waxa uu Waraysigaasi u dhacay sidan;


S: Haddii aad akhriday qodobadii eedaynta ee Golaha Wakiilladu adiga iyo Madaxweyne Rayaale idinku soo eedeeyeen, dembiyadaa ay daliishanayeen ma is leedahay waa kuwo aad gasheen?


J:
Horta, markaan runta ka hadlo anigu maba aan akhriyin, waayo markaan arkay in aanay fahamsanaynba, waan iska dhaafay oo ma akhriyin. Sababtoo ah, Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen la isma raacin karo oo taas way ku khaldanaayeenba. Aniga gaar ahaantayga kiis aan galay waa la iigu soo oogi karaa, isna waa lagu soo oogi karaa. Laakiin, Caalamka kama dhacdo Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen baa kiis wada galay oo lagu oogayaa.


S: Waxa kale oo ku jiray eedaynta Wakiilladu idinku soo oogeen in aad lunsi hanti qaran ku kacdeen, adiga sidaa ma u aragtaa?


J:
Horta, anigaaba jecel in la soo xidho ciddii hanti qaran lunsatay, wax aan ka jeclahay nin hanti lunsaday in la soo xidhaa ma jiro.


S: 2007 waxaad sheegtay in loo baahan yahay in lagu noqdo heshiiska TOTAL, weli aragtidaa miyaad qabtaa bal taas ka waran?


J:
Haa, muddada 50-ka sannadood ah ayaan diidanayaa, waxaanan filayaa imika malaha waxa laga dhigay 20 sannadood, waana la soo koobay. Waayo, muddadaa dheeri ina anfici mayso.


S: Waxa jirta inaad shaqsiyan Madaxda kale ee Somaliland kaga duwan tahay in aanad Tikniko iyo Ciidan si daba dhigin, laakiin waxa la is waydiin karaa mar haddii ay Madaxweynaha wada shaqeeyaan, meel kasta oo Madaxweynuhu taagan yahay uu Tikniko lagu arkayo. Markaa marna mala soo qaaday inuu hab-dhaqankaa wax ka bedelo oo uu sidaada Tiknikada iska reebo?


J:
Horta, qaabkaasi (in aan Tikniko iyo hub culus Madaxdu kaxaysan) kollay waa mid u muhiim ah Wadanka. Tusaale ahaan; markuu Ciidankaagu Dirays xidhan yahay iyo marka aanu xidhnayn way kala duwan tahay, wuxuuna ku difaaci karaa marka aanu Dirays xidhnayn. Caalamka markaad eegto, madaxda waxa garab yaacaya boqolaal Dhar-cad ah (ciidan qarsoon), laakiin ninka Dirays Ciidan xidhan ee ag taagani waxa ku dhacaya weerarka koowaad, xabaduna isaga ayay ku horaynaysaa. Markaa, kollay waa arrin loo baahan yahay in Ciidamadeena loo tabobaro.

 

S: Madaxweynuhu hore wuxuu u sheegay in Culimada Somaliland dhalinyartooda qaar ka mid ahi Koonfurta ka dagaalamayaan, adigana dadka qaarkii Culimada inaad isku xidhan tihiin bay kugu tiriyaan. Markaa Culimada marna arrimahaa ma kala hadashay?


J:
Horta, Diinteenu waa yusur, balse cusur maaha, Inimada waxan galayna waa kuwo si khalad ah wax loogu sheegay…..Waxaad moodaa Culimada badankoodu inay baqayaan, laakiin waa in lays waajaho oo la wadahadlo, xaqiiqda Diinta ahna la isula yimaado.


S: Shaqsi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ma jirtaa baaq aad u jeedinayso Madaxweynaha dawladda Soomaaliya oo horena Maxkamadihii Islaamiga ahaa uga tirsanaa?


J:
Ta aan u jeedinayaa waxa weeye, in la taageero nimanka Ahlusuna-Wajamaaca oo imikaba gobollada dhexe haysta – waa ragga keliya ee Diinta si fiican oo rasmi ah u fahamsan, Diinteenuna maanta may dhalan.


S: Madaxweyne, waxa jira shir Nairobi lagu soo gebogabeeyay oo uu Garaadka Beesha Sool oo k ahadlayna uu sheegay inay dagaal kala hortegayaan Somaliland ama  Is-maamul gaar ah loogu samaynayo ay qaadayaan, adigu arrintaa sideed u aragtaa?


J:
Horta, Somaliland maanta ma ay abuurmin, xadka ama maabka Somalilandna waxa la sameeyay 1884 oo cidna laga baryi maayo. Inagu (reer Somaliland) waxaynu degenahay Itoobiya oo soonkaa (Hawd) ciddi inagagama badna, Jabuuti ciddi inagagama badna, taasina (muranka Sool) waxay la mid tahay anigoo idhaahda xad baan u samaysanayaa oo waxaan jeedayaa Resave area oo aan soo goynayaa. Markaa ogow inaad dagaal u diyaar garawday, Somalilandna waxay jirtay Soomaaliya oo aan jirin….Ragga siyaasiyiinta ah ee Nairobi ku sii yaacaya waxaan leeyahay Nairobi waa halka lagu miiqo boqno-goynta Somaliland ee ay fadhido qawlaysataha wax ku maasha magacii Soomaaliya. Markaa ragga reer Somaliland ee Nairobi ku yaacayow haddii aydaan waxoogaa qurbaan ah (kharashaad ah) ka doonanayn ka jooga.


S: Waxa jira in Xukuumaddiina lagu eedeeyo inaad dawladda Itoobiya u dhiibtaan dad ka soo jeeda Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta gobolka Ismaamulka Soomaalida, arrintaa maxaad odhan lahayd?


J:
Taas waxba kama jiraan. Waxa jirtay in aanu mar xidhnay in labaatan ka badan – annagu kamaanaan warqabinee, halkan bay soo mareen, waxayna malaha toojar-gareeyeen wiil ugu yaraa, markaa inankaas baa sheegay, anaguna inay Ciidan hubaysani na dhexmaraan ma ogolin. Midda kale, Itoobiya waxba yaan afka lala dhicin, waxaanan u taageersanahay maalintii la I xaaqayay iyadaa ina taageeraysay oo saldhiga ina siisay, markaa ninna taas uga habran maayo.


S: Dhowaan waxaad guddi u magacowday wax ka qabashada Biyo la’aanta Hargeysa, arrintaa maxaad idiinka qabsoomay, maxaase Xukuumad ahaan idiinka qorshaysan?


J:
Biyaha Hargeysa waa biyihii 1974 la geliyay, waxaanan filayaa in aanay waqtigaa Hargeysa ku noolayn 20 kun oo qof, awooda biyahaasi soo qaataana waa awood la garanayo. Tusaale ahaan; Ceelasha Geed-deeble waa 16 Ceel, imikana 8 ka mid ah baa shaqeeya, 8-da kalena waxay sugayaan laba beeb. Magaalada Sahamin baa lagu sameeyay, biyihii ugu badnaana waxa laga helay Xunbo-weyne oo ilaa shan Ceel laga qoday oo ah kuwo awood leh oo aan Mishiinba u baahnayn. Markaa waxa inaga dhiman uun ugu yaraan afar/lix Beeb oo kale oo la keeno, markaa waxa inoo hadhay uun ilaa 8-milyan oo doolar oo la raadiyo.


S: Madaxweyne Ku-xigeen, waxa sheegtay inaad mudooyinkan dambe hawlo hoose ku mashquulsanayd oo dhowaana midho-dhalkooda la arki doono, markaa ma noo sheegi kartaa hawlahaasi waxay ahaayeen?


J:
 Way soo bixi doontaa.


S: Waa sidee wada-shaqaynta adiga iyo Madaxweynuhu?


J:
Wada-shaqayntayadu ma xuma.


S: Haddii tartanka doorashada soo socota adiga iyo Madaxweyne Rayaale la idinka guulaysto oo xisbi kaleba yimaado, adigu shaqsiyan maxaad qabanaysaa ee kuu qorshaysan?


J:
Aniga waxa ii qorshaysan inaan u shaqeeyo dadka masaakiinta ah, taas baanan ku fekeraa. Mustaqbalka waan furi doonaa hay’ad kaalmaysa dadka Darbi-jiifka ah ee aan waxba haysan.


S: Noloshaadii siyaasadda wax buug ah oo aad ka qoraysaa ma jiraa?


J:
Walaahi, su’aalo badan oo aad imika I waydiinaysaan markaa waan qori doonaa.

 

S: Maxay tahay hidaayadaada shaqsiga ah ee aad jeceshahay xilliyada aad firaaqada haysato inaad qabato?


J:
Somaliland ninka u shaqaynayaa firaaqo ma leh oo markaad 2:00 duhurnimo soo rawaxdo, gelinka dambena ilaa habeenkiina balamo uun baad leedahay, waxaynanu nahay Wadan hadda dhismaya. Laakiin, waxaan jecelahay haddaan fursad helo had iyo jeer inaan iska lugeeyo. Waxa kale oo aan jeclahay ee ugu dambeeyaa waxa weeye; markaan xukunka ka tago inaan dadka dhexgalo oo aan dhexdo oo aan la odhan waa tuuggii….


S: Xukuumad ahaan beryahan dambe Jabuuti xidhiidhkeeda waad isku soo dhawaateen, bal arrintaa ka waran?

J: Horta, Geeska Afrika waxa wax laga waydiiyaa waa Itoobiya, Koonfur waxa laga waydiiyaa Koonfur Afrika, Galbeedka waxa wax laga waydiiyaa waa Nayjeeriya, Waqooyigana waxa wax laga waydiiyaa Masar oo taasi waa taas. Laakiin, Jabuuti waxaan filayaa inagaa maalan garan waynay. Inagu waxaynu nahay dad hadla – bal ka waran hadaad ninkaad wax ka doonayso aad caydo?...Waxaan leeyahay Jabuui waad dad Soomaali ah, haddaynu is fahmi kari waynana waa belaayo. Ninka aad wax ka doonayso qaabka aad u maalayso raac. Anigu dhowaan Jabuuti waan tegayoo, arrinta gunteenuna taas (in wax laga sheego) ayay noqotay, waxayna yidhaahdeen ‘waxna waad naga doonaysaan waanad na caayaysaan.!


Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somalilan