3/13/2025
Today from Hiiraan Online: Prime Minister Hamse Abdi Barre visits injured soldiers and ...
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2009
Magaalada Marka oo Nin zineystay dhagax lagu dilay

Jimco, November 06, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta dhagax lagu dilay nin horay guur u soo maray oo zineystay.

Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cabaas Xuseen C/raxmaan  ayaa lagu helay dembi ah in uu xoog kaga zineystay haweeney, kaasi oo sida la sheegay uu isagu qirtay, kaddibna wuxuu maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Degmada Marka ka taliya uu ku xukumay in dhagax lagu dilo.

Dadweyne aad u badan oo ku nool magaalada Marka ayaa daawanayay markii ninkani lagu dilayay dhagaxa, iyadoo xukunkan lagu fuliyay garoonka Kubadda Cagta ee u dhow Dekedda macmalka ah ee Marka.

Sida ay dad daawanayay fulinta xukunkan HOL u sheegeen Ninkani oo markii la dhagxeynayay qaarka hore ka aasnaa ayaa waxay nafta kaga baxday wax ka yar 10 daqiiqo.

Wuxuu iyadana xukun midkan la mid ah ku  ku dhacay haweeney iyadana la sheegay in ay zineysatay, taasi oo fulinta xukunkeeda dib loo dhigay ilaa iyo inta ay ka dhaleyso uur ay leedahay.

Wuxuu ahaa xukunkii ugu horreeyay ee noociisa ee uu maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Degmada Marka, inkastoo dhawaan garoonka Kubadda Cagta Degmada Marka lagu toogtay labo nin oo uu maamulka Al-Shabaab ku eedeeyay in ay basaasiin ahaayeen.

Mar sii horreysay ayay ahayd markii Maamulka Magaalada Kismaayo ee hoostaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin uu xukun dhagax ku dilis ah ku riday, kuna fuliyay gabar yar oo uu maamulka uu sheegay in ay qiratay in ay dembi zino ah gashay, walow la sheegay in gabadhaas ay ahayd mid aan  dembigaas gelin oo welibana aan qaan-gaarin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya