Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa
Sabti, November 14, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Dalka Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlayay Idaacadda Radio Muqdisho ee ku hadasha afka Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Itoobiya.
Wasiirka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu Addis Ababa u tegay la kulanka madaxda dalkaas, gaar ahaan Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi oo uu sheegay in ay isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan xiriirka labada dal, si gaar ahna wuxuu u xusay in ay uga wada hadli doonaan kulankooda Arrimaha Ammaanka iyo Dhaqaalaha.
Waa markii seddexaad oo ay kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi tan iyo markii madaxweynenimada Soomaaliya loo doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya