Jimco, November 13, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ku sii jeeda Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa intii uusan u dhoofin dalka Itoobiya waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Soomaalida ee Kenya madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, iyadoo kulankaasna uu is-garan la’aan ku soo dhamaaday.
Lama oga ilaa iyo haatan waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu u aaday dalka Itoobiya, hayeeshee wuxuu dhawaanahan ku mashquulsanaa safarro uu ku kala bixinayay dalal badan oo Caalamka ah, kuwaasi oo uu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale uga raadinayo Dowladda uu madaxweynaha ka yahay.
Wixii ku soo kordha socdaalka uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu amba baxay Dalka Itoobiya kala soco halkan haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiaan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay Itoobiya
More News
- Kulankii Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay ku yeesheen Nairobi oo la isku af-garan waayay
- Midowga Yurub oo todobaadka dambe ka doodaya Ciidamo uu u tababaro Dowladda Soomaaliya
- Ajaanib u kala dhashay dalalka Bangaladesh iyo Hindya oo ay Burcadbadeeda Soomaaliya ku sii daysay Deegaanka Eyl oo soo gaaray Garoowe.
- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland oo uu shir uga socdo Magaalada Nairobi
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo magacaabay xubno ka tirsan Maamulkiisa
- Ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee Puntland oo si weyn loo adkeeyay
- Maamulka Degmada Ruun-Nirgood oo diiday in Calan aan ahayn midka Soomaaliya laga taago Degmadaas
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u habeyneyso Ciidamadeeda, uuna isbedel dhinaca ammaanka ah ka dhici doono Magaalada Muqdisho