3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2009
Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo fuliyay Xukun Gacan-goyn ah


Ninka gacanta laga jaray/SAWIRKA-HOL


Jimco, May 08, 2009(HOL):  Xukun Gacan-goyn ah ayaa galabta ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo, kadib markii Maxkamadda Dhexe ee Degmada ay ku xukuntay in gacanta laga gooyo nin lagu soo eedeeyay in uu xaday Hanti lagu qiimeeyay $90, waxaana ay taasi keentay in uu gacantiisii midig ku waayo xukunkaasi ay maxkamaddu soo saartay.
 
Ninkaan oo lagu magacaabo  Max’ed Cumar Ismaaciil, ayaa galabta galinkii danbe la soo taagay halka ay gacan goyntu ka dhacday oo ahayd Beerta Xoriyadda oo ku taal ka soohorjeedka Xarunta Degmada Magaalada Kismaayo, waxaana lagu arkayay goobta kumanaan dad ah oo ree Kismaayo ah oo kasoo qeybgalay meeshii ay gacan-goynta ka dhacday.
 

Markii la shaaciyay in ay gacan-goyntu bilaabaneyso, ayaa waxa la maqlayay buuq iyo sawaxan fara badan, iyadoo qof waliba uu isku dayay in uu indhihiisu ku arko sidii ay wax u dhacayeen, waxaana ammaanka goobta gacanta ku hayay Ciidamada Amniga oo loo yaqaan Xizbada Magaalada Kismaayo.
 
Ma ahan markii ugu horreysay oo xukun noocaan oo kale ah uu ka dhaco Gudaha Magaalada Kismaayo, horraantii sanadkan ayayna ahayd markii nin lagu Magacaabi jiray Yuusuf Dhuxulow gacanta looga jaray gudaha beerta xoriyadda ee Magaalada Kismaayo, sidoo kale waxaa jiray xukunno kala gadisan oo uu fulinayay Maamulka Islaamiga ah tan iyo intii ay gacanta ku dhigay Magaalada Kismaayo.

Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
5/8/2009 12:29 PM EST
Jimco, May 08, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay dagaalladii shalay iyo maanta ka dhacayay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaas wadaan dad sida uu yiri ka soo horjeeda in nabad la helo.

5/8/2009 4:55 AM EST
Jimco, May 08, 2009(HOL): Xaafadihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka jirta xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Xoogagga Al-Shabaab iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka.

5/8/2009 4:54 AM EST
Jimco, May 08, 2009(HOL): Dagaal sababay Dhimashada hal qof ayaa maanta ka dhacay Tuulo ka agdhow Magaalada Afmadow ee Gobolka J/hoose, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

5/8/2009 4:52 AM EST
Jimco, May 08, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay Xoogagga Muqaawamada ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho in ay joojiyaan dagaalka u dhaxeeya, isla markaana ay ogolaadaan in laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.

5/8/2009 4:49 AM EST
Jimco, May 08, 2009(HOL): Waxaa la soo gebagebeeyay Horyaalkii 3aad ee Kubbad-Xeebeedka Laliska (Beach Volley) ee Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgaleen 8 kooxood oo wiilal heerka koowaad ah.

5/8/2009 4:40 AM EST
Jimco, May 08, 2009(HOL): Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Spain, isla markaana ka mid ah Ciidamada Dowladaha Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay qabteen rag looga shakisan yahay in ay yihiin Burcad Badeed, kuwaasi oo isku dayay in ay weeraraan Markab Ganacsi oo marayay Xeebaha Soomaaliya.

5/8/2009 4:39 AM EST
Jimco, May 08, 2009(HOL): Waxaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan lagu qaban doono bisha maarso 15/05/09 haddii Eebe idmo koobkii Nabadda, koobkaas oo loo yaqaan koobka Wanka oo ayna ku tartami doonaan Degmooyinka Buulo Burte iyo Beledweyne.