Maamulka Gobolka Banaadir oo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool ugu baaqay in ay dhisaan Waddooyinka Magaalada Muqdisho

Arbaco, May 27, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa in ay ka qeybqaataan dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed u kala qeybiyay dhismaha waddooyin Muqdisho ku yaalla oo uu burbur ka muuqdo.
Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur waxaa uu sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Britain ku dhaqan looga fadhiyo in ay dhisto Waddada Makka Al-Mukarrama laga soo bilaabo Fiat illaa Ex-Koontarool Afgooye. Sidoo kalena Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ku dhaqan ayuu ugu baaqay in ay dhisaan Waddada ka tagta KM4 ee sii marta Garoonka Diyaaradaha, kadibna tagta Xoosh, Jaaliyadda Finland ayuu iyadana ugu baaqay in ay dhisto Wadada KM4 ka baxda ee u kacda dhinaca Afisyooni, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykankana wuxuu ugu baaqay in ay dhisto Waddada Wadnaha, halka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaanigana uu ugu baqay in ay dhisto Waddada Balcad laga bilaabo Fiat illaa Ex-Koontarool Balcad.
“Jaaliyadaha mar kasta waxay sheegaan in ay dadkooda iyo dalkooda wax u qabanayaan, sidaas darteed waxaan ka codsaneynaa in ay dib u dhiska Waddooyinka nagala qeybqaataan, iyagoo soo wakiilan kara mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ku jira ee ka yimid dalalka ay ku sugan yihiin”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo sheegay in ay maamul ahaan dayactiri doonaan Waddooyinka Jaaliyadaha ka soo hara.
Hadalkan uu jeediyay Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta uu maamulka Gobolka Banaadir dayactir ku bilaabay Waddada isku xirta Isgoysyada KM4 iyo Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya