Madaxweyne Shiikh Shariif oo kashifay sababta ay Eritrea ugu lug leedahay Soomaaliya

Talaado, May 26, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-d ayaa shaaca ka qaaday asbaabaha ay Dowladda Eritrea ugu lug leedahay Arrimaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in Dowladda Eritrea ay faragelinta Soomaaliya isaga mashquulineyso Dowladda Ethiopia oo colaad kala dhaxeyso, wuxuuna sheegay in aaney dan ugu jirin Soomaaliya oo degta, “haddii Soomaaliya xasilooni ka dhalato waxay ogtahay Dowladda Eritrea in aysan kala badbaadeynin iyada iyo Ethiopia”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Shiikh Shariif in Dowladda Eritrea ay muddo dheer Soomaaliya hub iyo dagaalyahnno shisheeye soo gelineysay, “Sanadkii 1998-kii  ilaa hadda waxay Dowladda Eritrea hub soo gelineysay Soomaaliya, waxaana jirtay in ay mar dagaalyahanno keentay Soomaaliya kaddibna ay dhinaca Soomaaliya ka gelisay Ethiopia, sidaasna ay Ciidamada Ethiopia ku qabsadeen dhul Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweyne Shariif in Eritrea ay mar kale  xiligii maxkamadaha Islaamka (2006) ay soo faragelisay Soomaaliya, iyadoo Dowladda Ethiopia wada hadallo u socdaanna ay dagaal ku furtay, sidaasna ay isugu dhaceen Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamada Ethiopia.

Hadalka uu sii daayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ururrada IGAD iyo Midowga Afrika ay dhawaan go’aamiyeen in cunaqabateyn lagu soo rogo Dowladda Eritrea oo ay sheegeen in ay hubeyso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Salaad Iidow (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya