Dagaal iyo duqeyn galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho
Sabti, May 23, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa galabta waxaa ka dhacay duqeyn iyo dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda oo kala taabacsan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.
Dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde, iyadoo intii uu socday dagaalkaasna ay labada dhinac duqeyn is-weydaarsadeen.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee taageeraya ayaa madaaafiic ku garaacay Xaafadaha Caga-dhiig iyo Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley iyo qeybo ka mid Suuqa Bakaaraha, waxayna duqeyntaas dhacday kadib markii Xarunta Villa Somalia ay madaafiic ku duqeeyeen Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.
Dagaal kale oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Afarta Jardiino iyo Sanca ayaa isna wuxuu dhexmaray Xoogagga labada dhinac, iyadoo dagaalkan la sheegay in uu ka cuslaa midka ka dhacay Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde.
Isu geynta khasaaraha ay duqeynta iyo dagaalka geysteen ayaa wuxuu gaarayaa dhimashada 4 ruux oo rayid ah iyo dhaawac ka badan 20 ruux, kuwaasi oo ay xaqiijiyeen Hay’adaha Life Line Africa iyo Amin Voluntry Hospital oo gurmad deg deg ah u fidiya dadka dagaallada ku dhaawacma.
Dagaalka iyo duqeynta galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo maanta gelinkii hore ay xaaladda magaalada ahayd mid degan oo ay dib uga bilowdeen isu socodkii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, gaar ahaan meelihii ay shalay dagaallada ka dhaceen.
Marka la eego isu goodinta ka soo yeereysa mas’uuliyiinta labada dhinac ilaa iyo haatan ma muuqdo xal laga gaarayo dagaalladan oo sababay dhimashada dad badan, dhaawaca kuwo kale iyo weliba barakac ku yimid dad badan oo ku noolaa Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid.
Wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Muqdisho xalkan kala soco Haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya