Wareegto lagu mamnuucayo labiskii hore ee dumarka oo ka dhaqangashay Magaalada Kismaayo
Jimco, May 15, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo, ayaa Amar ku bixiyay 7dii bishan May in Haweenka looga baahan yahay in ay xirtaan Dharka Xijaabka, gaar ahaan midka adag, waxaana haweenka loo qabtay muddo 7 maalmood ah. hadda haweenka magaalada waxay wada qabaan Xijaab adag oo cowradooda asturaya.
Maalmihii laga soo gudbay ayaa waxaa laga dareemayay haweenka ku dhaqan Magaalada Kismaayo Qabanqaabo Xooggan, iyadoo Goobaha Dharka lagu tolo ee loo yaqaan Dawaarrada ay buuxdhaafiyeen Haween iyagu doonayay in ay toshaan dharka Xijaabka loo yaqaan, si aaney u jebin ammarka maamulka.
Mas'uuliyiin u hadlay maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo waxa ay sheegeen in ciddii jabisa Ammarkaasi ay Ciidamada Amniga Tallaabo ka qaadi doonaan, loona taxaabi doono Xabsiga, isla markaasina ay muteysan doonyo ciqaab waafaqsan amar diidada ay sameysay.
Mudadaan ayaa ku ekeyd Maalinnimadii shalay ahayd ee aan ka soo gudubnay, waxaana maanta la arkayay Ciidamo Dumarka ugu baaqayay in aan la arki karin Haween Xijaab La'aan ah, iyadoo ay jireen Haween xabsiga loo dhigay sabab la xiriirta in aaney u hoggaansamin ammarkii la faray ee ahaa in ay xijaab adag xirtaan.
Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya