Arbaco, 13 May 2009 (HOL): Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo deegaanka Maxaas ee Goballka Hiiraan oo ay ku dagaallameen xoogagga Al-shabaab iyo kooxo hubeysan oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaaladdu degan tahay inkastoo wali ay jiraan xaasado u muuqda kuwo colaadeed.
Dhimashada ayaa lagu waramayaa in ay dhan tahay 6 ruux halka dhaawacuna uu gaarayo in kabadan 8 Ruux kuwaa oo u badan dhinacaydii dagaalku dhaxmaray, sidoo kale waxaa ay wararku intaa ku darayaan in rasaastii ay is weydaarsanayeen labada dhinac ay bur bur xoog leh gaarsiisay guryo ay laa haayeen dad rayid ah.
Goobaha bur burku soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Majidka deegaanka Maxaas oo sida wararku sheegayaan gabaad ka dhigteen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab taasoo keentay in ay rasaas xoog leh ku ridaan kooxihii ka soo horjeeday.
Wali waxaa taagan dhaq dhaqaaq iyo abaabul Ciidan oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda waxaana jirta cabsi laga qabo in mar kale dagaal dhaxmaro labada dhinac, walow hadana u jiro dadaal dhinaca kale ay wadaan Odayaasha deegaanka oo doonaya in ay xaalada qaboojiyaan.
Marka laga soo tago Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxaa la oran karaa Goballka Hiiraan waxaa uu ka mid ah yahay goobaha sida tooska uu uga dhacayo dagaalka u dhaxeeya xoogagga Mucaaradsan Dowladda iyo Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Goballka Hiiraan oo hoos taga Dowladda Federaalka, lama oga halka ugu danbeyntii saldhigan doonto Colaadda ka oogan Goballka Hiiraan oo ah mid ku saleysan cida dhab ahaan Maamuleysa Goballka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Wararkii ugu danbeeyay xaaladda deegaanka Maxaas ee Goballka Hiiraan oo ay ku dagaallameen Xoogagga Al-shabaab iyo kooxo hubeysan oo ka tirsan Dadka Deegaanka
More News
- Dagaal xooggan oo ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho
- Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo saxiixay go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka
- Amiirka Al-Shabaab oo sheegay in aan Dowlad Islaami ah lagu tilmaami karin Dowladda Soomaaliya
- Roobab ka curtay Magaalooyinka Somaliland qaarkood waqti ay meelo kale ka jiraan abaaro ba’ani
- Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho oo iyagoo hooy la’aan ah uu roob kula da’ayo duleedka Muqdisho