4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2009
Osama Bin Laden oo ku baaqay in xukunka laga tuuro Madaxweynaha Soomaaliya

Hoggaamiyaha Al-Qaacidda-Osama Bin Laden
Khamiis, March 19, 2009(HOL): Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Osama Bin Laden ayaa Cod uu Internet-ka soo geliyay waxaa ku jeediyay baaq uu u diray Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in ay la dagaallamaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, xukunkana ay ka tuuraan.

Codka uu soo duubay Osama Bin Laden, isla markaana la soo geliyay Internet-ka  oo socday 11 daqiiqo iyo bar ayaa wuxuu hoggaamiyaha Al-Qaacidda ugu baaqay Xoogag Soomaali ah oo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya in ay xukunka ka tuuraan Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya loo doortay dabayaaqadii bishii Janaayo 2009, wuxuuna yahay Madaxweynihii 9aad oo ay Soomaaliya yeelato, waa marka lagu daro Shiikh Mukhtaar iyo Shiikh Aadan Madoobe oo iyagoo Guddoomiyayaal Baarlamaan ah xilalkaas si KMG ah u qabtay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Osama Bin Laden ka hadlayo Arrimaha Dowlad u dhisan Soomaaliya iyo madaxdooda, wuxuuna horay uga hadlay Dowladdii TFG-da ee ka horreysay Dowladdan, xiligaas oo uu sidan oo kale ku baaqay in xukunka laga tuuro C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi oo Dowladdii TFG-da Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare ka kala ahaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia