Arbaco, 10, Juun, 2009 (HOL) Haweenka ku dhaqan degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan ayaa bilaabay cabasho ay ka muujinaya amarro ay ku soo rogeen Mas'uuliyiinta Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya degmada Buula-burte.
Cabashada ayaa timid kaddib markii dhawaan Maamulka degmada Buula-burte uu sheegay in aan la arki karin Haween aan wadan (Indho-shareer iyo Xijaab) isla markaana aan la ogoleyn in Ragga iyo Haweenku ay wada raacaan hal gaari, waxaana qaar ka mid ah Haweenka oo la hadlayay Warbaahita tilmaameen in Xaajaabku wanaagsan yahay loogana baahan yahay Haween kasta oo Muslimad ah, hase ahaatee ay ka codsanayaan Maamulka degmada in aan qasab looga dhigin qaadashada Indho-shareerka oo ay Haweenku shegeen in uu Sunno yahay.
Haweeney diiday in magaceeda la soo xigto ayaa u sheegtay HOL in ay la dhacsan tahay hab dhaqanka Maamulka degmada Buula-burte iyo qaar ka mid ah amarrada Shareecada waafaqsan ee la soo saaray, laakiin waxaa ay carrabka ku dhufatay in ay dhibaato ku qabaan go'aamada qaarkood sida Mamnuucida isla raacida gaadiidka Ragga iyo Haweenka, mar haddii bey tiri aysan suurta gal aheyn in Ragga ama Haweenka midkood uu yeesho gaadiid u gaar ah.
Gaadiidka ka shaqeeya degmada Buula-burte ee ka baxa Magaalada Beledweyne ayaa hadda bilaabay nidaamka ah in ay kala fariistaan Ragga iyo Haweenka oo markii hore qaarkood la arki jiray iyagoo wada fadhiya hal Kuris.
Waa markii ugu horreysan oo qeyb ka mid ah Goballka Hiiraan laga soo saaro amarradan oo kale, waxaana inta badan siweyn u soo dhaweeyay go'aanka uu qaatay Maamulka degamda Buula-burte dadka shacabka ah oo u arka in ay tahay wax lagu farxo fulinta amarrada Alle sida qaadashada Xijaabka iyo in aysan is-dhaxgalin Ragga iyo Dumarka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Amarro lagu soo rogay Haweenka ku dhaqan degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan
More News
- Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya oo la soo gebagebeeyay, lagana soo saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan Soomaaliya
- Qoraal Sir ah oo daaha ka rogay Musuq-maasuq iyo fadeexado hadheeyay Guddida Doorashooyinka Somaliland
- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland oo wada-jir qoraal ugu gudbiyay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah
- Baarlamaanka Soomaaliya oo todobaadka soo socda kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka digay in Ciidamo Shisheeye loo gacan-geliyo Soomaaliya
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo oo digniin u jeediyay Xoogag uu wato Xildhibaan Barre Hiraale oo weerar ku soo ah Gobolkaas
- Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere oo Burburiyay Qabuuro hor leh