5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2009
London: Abaalmarino lagu gudoonsiiyay Caruur Soomaaiyeed


Hiiraan Online
Ridwaan Haji Abbdiwali
Saturday, July 04, 2009

London, UK (HOL) - Xadlad si wanaagsan loo soo agaasimay oo ka dhcday Lambeth Academy oo ku yaala Deegaanka Lambeth ee magaaladda London ayaa Abaalmarino lagu godoonsiiyay Caruur Soomaaliyeed , kuwaasi oo sanadihii danmbe muujiyay dadaal xoogan oo dhanka waxbarashada ah, waxaana deegaankaasi uu kamid noqday goobaha laga dareemay horu-kaca waxbarashada caruurta Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku barbaaray dalkan Britain tan iyo Bur burkii Somalia, iyadoo la gudoonsiiyay Abaalmarino.
 
Sida ay sheegeen Uruka u hawlgalla dadka laga tiradda badan yahay, waxaa sanadakan ay Caruurta Soomaaliyeed kor ugu kaceen 60% marka la bar bardhigo 6 sano ka hor oo heerka waxbarashada caruurtu ay ahayd 12% sida uu sheegay Yusuf Faarax oo ka tirsan qaybta kor u Qaadista Waxbarashada Qowmiyadaha Laga Badanyahay  ee hoostimaada Waaxda Waxbarashada ee Degmada Lambeth.
 
Waalidiin iyo Macalimiintii kasoo qaybgalay Munaasabadaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dhiiri galiyo Caruurta Waxbarashada si kor loogu qaado Dhalinyaradda Waxbarashada caruurtan la nool bulsho ay aaminsanyihiin in dalkan uu kala dhaxeeyo. 

 
 
20 Arday oo kamid ah Soomaalida deegaankaasi oo ka kala socday 15 School oo ku yaala deegaankaasi ayaa kadib markii ay Natiijooyin wax ku ool ah ka gaareen waxbarashada Asaasiga ah waxaa la gadoonsiiyay Abaalmarino iyo Min $ 100 loo gartay in caruurtaasi ay u dirsadaan eheladooda ku nool Somalia isla markaana ay xoojiyaan waxbarashada si ay Mustaqbalka wax ugu qabtaan dalkooda hooyo.
 
Dadkii kasoo qaybgalay xafladaasi waxaa kamid ahaa agasimaha guud ee Qaran Express Maxamuud Liban iyo Phyllis Dunipace oo ah Madaxda Waaxda Waxbarashada ee degmada Lambeth.


 
Waxaa sidoo kale halkaasi loogu mahadceliyay Xawaaladaha Qaran Express,  Dahabshiil iyo Garyaqaanadda Levenes oo iyaguna ka qayb qaatay Abaalmarinahaasi lagu dhiiri galinayay Caruurta Soomaaliyeed ee Ardayda ah ee Muujiyay Horukaca waxbarasho xili in badan oo kamid ah Caruurta Soomaaliyeed ay haysteen dhibaatooyinka waxbarasho maadaama aysan caawimaad ka helin waalidka oo intooda badan ka yimid Somalia iyagoon aqoon ku filan haysan.