5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2009
Aaskii ugu Weynaa ee Soomaalida Sweden oo maanta ka dhacay magaalada Stockholm


Hiiraan Online
C/laahi Cilmi Maxamed (Asad)
Khamiis, July 30, 2009

Stockholm (HOL) - Waxaa maanta magaaladan Stockholm ee dalka Sweden lagu aasay todobo qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ku geeriyooday dab ku qabsaday gurigooda 26-kii bishan Luulyo. Dadka la aasay oo ahaa hooyo iyo shanteeda gabdhood iyo weliba gabar kale oo ay qaraabo ahaayeen, waxay degganaayeen xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm. Waxaa dabadkaas ka badbaaday oo markaas guriga ka maqnaa aabaha reerka Yuusuf Maxamuud Maxamed iyo labadiisa wiil (7 jir iyo 3 jir).

Aaskan oo ah midkii ugu weynaa ee soo wajaha bulshada Soomaaliyeed ee deggan dalkan Sweden, gaar ahaan magaalada Stockholm, waxaa ka soo qeyb galay kumanaan qofood  oo u badan Soomaali, balse ay ku jiraan muslimiin kale iyo weliba madax ka socotay dalka Sweden. Madaxdaas waxaa ka mid ahaa wasiiro ka socda dowladda Sweden, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Socialdemokrat-ka, madaxda magaalada Stockholm ugu sareysa, iyo madax kale oo ka kala socda heyadaha dowladad iyo ururada bulshada.

Waxaa barnaamijka aaska xiriirinaayey Sh. Xuseen Faarax oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee magaaladan Stockholm. Waxaa salaadda janaasada ah dujiyey Imaamka masaajidka ugu weyn Stockholm ee Sh. Maxamuud. Waxaa janaasada ka dib dadka la hadlay oo wacdi diini ah u aqriyey Sh. Bashiir Amaan, oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee magaaladan isla markaana ah maamulaha Dugsiga Al-Azhar. Waxaa kaloo aaska ka hadlay qof ka wakiil ah aabbo Yuusuf iyo qoyskiisa, oo u mahadceliyey dadka ka soo qeyb galay aaska. 

Aaska oo ka dhacay qubuuraha Racksta ee xaafadad Vallingeby ee magaaladan Stockholm, waxaa isugu yimid Soomaali aad u badan oo ka kala yimid magaalada Stockholm qeybaheeda kala duwan, iyo magaalooyinka kale ee dalkan Sweden, waxaa kaloo jiray Soomaali ka timid dalal kale oo ku yaala qaaradda Yurub iyo weliba meelo kale oo ka baxsan.

Markii la dhameeyey aaska intii aanan la gaarin ducadii ugu dambeysay ee qabsiga dushiisa waxaa dadka la hadlay aabaha qoyska la aasay Yuusuf Maxamuud oo isagu u mahadceliyey dadkii ka soo qeybgalay aaska iyo tacsida, iyo intii garabka iyo gacanta siisay markii ay dhibaatadaasi soo gaartay. Wuxuu kaloo u mahadceliyey guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo weliba dowladda iyo madaxda Sweden oo u muujiyey iney garabtaagan yihiin. Waxaa hadalada aabbe Yuusuf, oo isaga iyo wiilashiisu ay ku labisnaayeen qamiisyo cadcad,  ka muuqday sabar, iimaan iyo degannaansho aad u weyn isaga oo dusha sare ku sida wiilkiisa yare e saddex jirka ah.  

Aaska iyo geerida ka horeysay waxa ay si weyn u taabatay bulshada Soomaaliyeed ee Stockholm deggan, waxayna ku reebtay cabsi iyo xanuun xoog badan oo noqday midkii ugu weynaa ee soo wajaho illaa iyo markii ay Soomaalidii ugu badneyd ay soo degtay dalkan Sweden muddo hadda laga joogo illaa iyo 20 sano. 

C/laahi Cilmi M. (Asad), Hiiraan Online
Stockholm, Sweden.