Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo aqbalay in Dowlad-Midnimo-Qaran lagu dhiso Jibouti

Sii hayaha Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe)
Khamiis, January 22, 2009(HOL): Sii hayaha Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa aqbalay in Dowlad-Midnimo-Qaran lagu dhiso Dalka Jibouti, isla markaana la joojiyo doorashadii Madaxweynenimada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu la soo xiriiray, isla markaana uu ku wargeliyay in ay Xildhibaannada Baarlamaanka isu diyaariyaan safar ay ugu amba baxayaan Dalka Jibouti, halkaasi oo ay ka dhaceyso doorashada madaxda Dowlad-Midnimo-Qaran oo Soomaaliya loo soo dhisayo.

Ogolaashaha sii hayaha Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ee Shirka Jibouti  ayaa la sheegay in ay ku timid culeysyo ka yimid dhinaca Beesha Caalamka oo si weyn u taageersan in Dowlad-Midnimo Qaran lagu dhiso Dalka Jibouti.

Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa kadib markii uu soo baxay warkan ku saabsan in Sii hayaha Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ahna  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ay Xildhibaannada Baarlamaanka ugu amba baxayaan Dalka Jibouti, iyadoo ku dhawaad 30 xildhibaanna ay saaka u dhoofeen dalka Jibouti.

Sidoo kalena, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo beryahanba ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa iyana waxay sheegeen in ay boorsooyinkooda xir-xirteen, isla markaana ay ku sii jeedaan Dalka Jibouti.

Dalka Jibouti ayaa la filayaa in lagu soo dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran, iyadoo la isku darayo Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaanno kale oo ka imaanyaa Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, taasi oo tirada Xildhibaannada ka dhigeysa 550 Mudane.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi, Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Cadde Gaabow iyo La-Taliyihii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ninka lagu magacaabo Prof. Yuusuf Cumar Azhari ayaa isu soo sharaxay qabashada xilkii uu iska casilay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, hayeeshee haatan waxaa muuqata in sheekada si kale u bedeshay isla markaana la soo dhisayo Dowlad-Midnimo-Qaran.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia