Degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan oo ay ka qudbeeyeen Saraakiil sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka ONLF

Khamiis, January 15, 2009(HOL): Warar ka soo gaaray HOL Degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan ayaa sheegay in goor dhaw dadka ku dhaqan Degmada ay la hadleen Saraakiil sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka ONLF ee ka dagaalama gudaha Dalka Itoobiya.
 
Saraakiisha oo ay weheliyeen Ciidamo hubeysan ayaa waxaa ay qal qal ku abuureen dadka ku dhaqan Degmada oo mar kaliya ka hor helay Ciidamada iyo gadiidka ay wateen oo gudaha u soo galay Degmada,. inkastoo markii danbe xaalku caadi ku soo laabtay.
 
Shiikh C/shakuur Shiikh Cabdi Waxiid oo ka mid ahaa Saraakiishii la hadashay shacabka Degmada ayaa sheegay in yihiin Ciidamo sida uu hadalka u dhigay markii hore dalka Soomaaliya u yimid in ay gacan siiyaan kooxaha la dagaalamaya Ciidamada Itoobiya, waxaana uu intaa ku daray in labadii sano ee la soo dhaafayba ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah dalka oo ay kula dagaalamayeen Ciidamada Cadowgga oo uu markaa ula jeeday sida muuqta kuwa Itoobiya.
 
''Itoobiya hadda waxaa ay bilaawday in ay hub isugu dhiibto dadka Ehlu Diinka ah, Dadka oo dhan ayaa ah Ahlu Sunna marka maba jiri karaa kooxo gaar u sheegan karta magaca Ahllu Sunna, hadii ay jiraan kuwo magacaa sheeganaya islamarkaana la socda Taankigga Itoobiya waa ay qaldameen'' ayuu sheegay Sarkaalka la hadal shacabka Degmada Buula-burte isaga oo intaa  ku sii daray in hadda ay ku wajahan yihiin dhinaca gudaha Itoobiya si ay u sii wadaan  dagaalka lagaga soo horjeed Itoobiya.
 
Madaxa wararka Idaacada Doof ee Degmada Buula-burte C/naasir Ibraahim (Geesey) ayaa u sheegay HOL in Ciidamadu wali ku sugan yihiin gudaha Degmada, waxaana uu intaa ku daray in saacadaha soo socda laga yaabo in ay u gubaan dhinaca Magaalada Beledweyne.
 
Marka laga soo tago sheegashada Sarkaalka u hadlay Ciidamada soo galay Degmada Buula-burte ma jiraan mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Islaamiga ah ee degmada oo ka hadlay dhab ahaan cida ay ka tirsan yihiin kooxda hubeysan.
 
C/raxmaan diini, Hiiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia