Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in markii u horraysay Somaliland lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin

Jimco, 4 December 2009 (HOL)- Wasaaradda Dalxiiska iyo dhqanka Somaliland, ayaa sheegtay in markii ugu horraysay Deegaano ka tirsan Gobollada Saaxil iyo Togdheer lagu arkay nooc ka mid ah Daanyeerrada oo loo yaqaano Gorrille.

Agaasime-ku-xigeenka Waaxda Aataarta qaddiimiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdi Cali, ayaa sheegay in baadhitaanno iyo daba-gal ay samaysay Wasaaradda Dalxiiska Somaliland lagu ogaaday, isla markaana lagu arkay laba Gorille oo ku sugan Deegaanno ka tirsan Gobollada Togdheer iyo Saaxil.

Agaasime-xigeenku wuxuu sheegay in baadhitaannadan oo qaatay muddo toban maalmood ah lagu ogaaday in Xayawaankan Gorrille-ha ee la arkay ay yihiin nooca ku nool waddamada Afrikada dhexe ee Harooyinka waawayn leh. “Waxaanu Gorrile-haasi ku aragnay meel bari ka xigta degmada  Sheekh oo la yidhaahdo Garas, una dhow buurta la yidhaahdo Wagar. Gorrillaha labaad ayaa lagu sheegayaa Buurta Nageegir oo dhinaca Waqooyi-bari ka xigta Magaalada Burco. Xayawaankan oo aan asal ahaan hore u joogi jirin dalkan.” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Cali. Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Marka uu tallaabsanayo waa Xayawaan qurux badan, raadkiisuna wuxuu le'eg yahay ilmo 12 jir ah. Dadka qaar ayaa xayawaankan u arka inuu yahay rabaayad ama dad la joog. Cududda labadiisa gacmood Gorillahani wuxuu ku xidhan yahay Bir  u eg baraarug.”

Maxamed Cabdi wuxuu Wasaaradaha deegaanka, Beeraha iyo Xoolaha Somaliland ugu baaqay inay Xayawaankaasi caafimaadkiisa baadhaan.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland