
Khamiis, December 03, 2009(HOL): Aqoon is-weydaarsigan oo lagu qabtay magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda ayaa waxaa looga hadlay kalsooni-dhisidda Ciidamada Amisom ee Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay wakiillo ka socday Dowladaha Uganda, Burundi iyo Somalia.

Furitaankii Aqoon is-weydaarsigan ayaa waxaa ka hadlay ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ninka lagu magacaabo Wafula Wamunyinyi, wuxuuna sheegay in haddii aaney beesha caalamka wax ka qaban dhibaatada Soomaaliya ka taagan ay xaaladda Soomaaliya faraha ka bixi doonto, isla markaana uu dalka gacanta u geli doono sida uu u yiri Al-Qaacidda.
Waxaa uu sheegay in ay haatan dalka Soomaaliya ku sugan yihiin dagaalyahanno ka socda dalal badan oo Caalamka, kuwaasi oo uu xusay in ay ka tirsan yihiin Al-Qaacidda.
Soomaaliya waxaa aqoon is-weydaarsigan uga hadlay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameerika, Safiir ku xigeenka Itoobiya Jabriil Maxamed Shiikh Cusmaan iyo Cawaale Kullane oo ka tirsan Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Safiirka Somaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerika oo aan wax ka weydiinnay waxyaabihii aqoon isweydaarsiga looga hadlay ayaa wuxuu sheegay in aqoon is-weydaarsiga si weyn loogu lafo-guray in sidii dalalka ciidamada u ballanqaaday Soomaaliya ee ay ka midka yihiin Nigeria, Malawi, Jibouti iyo Siera Leone ay u soo diri lahaayeen Ciidamadii ay ballanqaadeen.

“Waxaan ugu baaqnay madaxda Ciidamada Amisom in ay ballaariyaan howsha ay u joogaan Soomaaliya, isla markaana ay ku daraan mid ku saabsan arrimaha bulshada sida ay dadka saacidaan dhinacyada caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada oo aysan kaliya ku ekaanin nabad-sugid”ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Ameeriko.
Sidoo kale waxaa Aqoon isweydaarsiga ka hadlay Afhayeenka Ciidamada Uganda Lt. Col Felix Kulayigye, wuxuu ka warramay doorka nabad ilaalinta ah ee ay Ciidamada Amisom u joogaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamadooda baaqi ku sii ahaan doonaan Soomaaliya ilaa iyo inta ay xasiloonidii ka soo noqoneyso, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan dayici doonin sida uu u yiri walaalahooda Soomaaliyeed xitaa haddii aanan Ciidamadooda la siinin mushaarooyin.
Aqoon isweydaarsigan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi ay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay u joogaan howl nabad ilaalin ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in dowlado badan oo Ciidamo u ballanqaaday Soomaaliya aysan weli soo dirin ciidamadii ay ballanqaadeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya