WASIIRKA WARFAAFINTA JIBOUTI: “Eritrea kuma dhiirateen in ay Jibouti soo weerarto haddii ay Soomaaliya lahaan lahayd awooddii mileteri ee ay lahaan jirtay"

Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Jibouti Cali Cabdi Faarax
Arbaco, April 29, 2009(HOL): Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Jibouti Cali Cabdi Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sida ay Jibouti u arkeyso Dowladda Soomaaliya, sida ay Jibouti u dareemeyso maqnaashaha awoodda Soomaaliya iyo weliba waxa la gudboon shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo shirkan jaraa’id qabtay kadib markii uu ka qeybgalay Xaflad lagu furayay Wakaalad Warar Soomaaliyeed (Somina)  oo xarunteeda noqon doonto Dalka Jibouti ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Jibouti ay daneyso in Soomaaliya ay yeelato Dowlad awood leh oo soo celisa sharaftii iyo karamadii ay Soomaaliya lahaan jirtay.

“Eritrea kuma dhiirateen in ay Jibouti soo weerarto haddii ay Soomaaliya lahaan lahayd awooddii mileteri ee ay lahaan jirtay, waana tebeynaa maqnaashaha awooddii Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jibouti oo sheegay in ay mar walba ku dadaalayaan sidii ay Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeedii.

Waxaa uu ka hadlay Wasiirka qaabka ay u shaqeyneyso Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya loogu dhisay Jibouti, wuxuuna sheegay in ay Dowladdaas shaqeyneyso, isla markaana ay si wanaagsan howsheeda u wadato , isagoo carrabka ku dhuftay in ay rajeynayaan in ay Dowladdan ka faa’iideysan doonto fursado badan oo ay ka faa’iideysan waayeen Dowlado ka horreeyay.

Mar wax laga weydiiyay Wasiirka sida ay u arkayaan mucaaraddo dowladda uga imaaneyso dhinaca kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayuu sheegay in aysan ilaa iyo haatan u muuqan sabab loo mucaarado Dowladda hadda u dhisan Soomaaliya oo ah buu yiri Dowlad Midnimo Qaran ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiirka in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay dhinac isaga dhigi lahaayeen dhibaatooyinka mudada dheer dulsaaran, wuxuuna caddeeyay in haddii shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-qabsadaan ay ku guuleysan karaan in ay dalkooda ku soo celiyaan xasiloonidii iyo kala dambeyntii.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya