5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2009
Banaanbax lagu taageerayay Go'aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in Shareecada Islaamka lagu xukumo Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirrada)


Axad, April 19, 2009(HOL): Garoonka Stadium Conis ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbax lagu taageerayay go'aankii uu shalay Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in Dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka, iyadoo bannaanbaxaasina uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.


Banaanbaxan oo ay ka qeybgaleen Dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay mas'uuliyiin ka socday Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Ku simaha Ra'iisal Wasaaraha, ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda C/raxmaan Maxamuud Faarax Jinaqow, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo ku xigeenkiisa C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey.


Ku simaha Ra'iisal Wasaaraha, ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Dowladda Soomaaliya u dhisan ay tahay mid Islaami ah oo uu Baarlamaankeeda ansixiyay in uu dalka ku dhaqo Shareecada Islaamka, wuxuuna soo dhaweeyay mas'uuliyiinta Isbaheysiga Xisbul Islaam, garabka uu hoggaamiyo Shiikh Maxamed Xasan Camey oo uu sheegay inuu Dowladda soo dhaweeyay, wuxuuna caddeeyay in uu rajeynayo in ay iyana soo dhaweyn doonaan Go'aanka Dowladda kooxaha kale ee ka soo horjeeda Dowladda.


Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo bannaanbaxa ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dowladda garab ku siiyaan sidii ay u fulin lahayd go'aankeeda ah in ay Dalka ku dhaqdo Shareecada Islaamka, wuxuuna qof walba oo Soomaali ah kula dardaarmay in uu shareecada ku dhaqmo, "Ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayaa lagu heli karaa amni, dib u heshiisiin iyo nolol, qof walbana waxaa la gudboon in uu shareecada Islaamka ku dhaqankeeda ka bilaabo guriga uu degan yahay"ayuu yiri Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in Diinta Islaam ay tahay Diin waasac ah oo aan ciriiri ahayn.


Wasiirka Gaarsoorka iyo Cadaaladda XUkuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamuud Faarax Jinaqow ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay tahay Dowlad Islaam ah oo aan laga hor-imaan karin, "Dowladdeena waa Islaam, Waxaana Amiir ka ah Shiikh Shariif, ciddii ka hor-timaadana waa Qaadicu-dariiq, Khawaarij-Takfiir ah, waana Qof ay waajib tahay in lala dagaallamo"ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Jinaqow oo ugu baaqay Hay'adda Culimada Soomaaliyeed in ay dowladda gacan ku siiso sidii loo diyaarin lahaa dastuurkii dalka lagu dhaqi lahaa.


Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Col. Cumar Xaashi ayaa isna ka hadlay bannaanbaxa wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ansixisay in dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka, sidaas darteedna wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Allaah u tukadaan Salaatu-shukri, ayna Alle dembi-dhaaf iyo naxariis weydiistaan, isagoo xusay in aan hadda kadib la dhihi doonin Dowladda Soomaaliya ma ogola in Shareecada Islaamka lagu xukumo Dalka Soomaaliya.


Ugu dambeyntiina, Bannaanbaxa ka dhacay Garoonka Kubadda K/Cagta Conis Stadium ayaa waxaa sidoo kale shirib ku soo bandhigay Koox la magac-baxday Barbaarta Gaashaaman, kuwaasi oo shucuurtooda ku soo bandhigayay shirib ku saabsanaa in aan loo baahneyn in Diinta Islaamka la isugu gambado iyadoo dano gaar ah loo adeegayo.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya