4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 1 , 2008
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka hadlay Duqeyntii uu Mareykanka ka geystay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya- Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Khamiis, May 01, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ka hadlay duqeyntii ay xalay Ciidamada Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in ay aad uga xun yihiin duqeyntaas iyo weliba dadkii ku geeriyooday oo ay ku jireen Hoggaamiyayaal ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isoo ku sugan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa wuxuu tacsi u diray Umadda Soomaaliyeed iyo weliba qoysaskii ay ka geeriyoodeen Dadkii duqeyntaas ku naf waayay.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo uu Mareykanka duqeeyo Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay soo bilaabatay duqeynta Mareykanka ee Soomaaliya sanadkii 1993-kii, iyadoo wixii xiligaas ka dambeeyayna ay soo socotay duqeynta.

Mar wax laga weydiiyay waxa ay duqeyntaas u dhimi karto dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka iyo  Mucaaradka ka soo horjeeda waxaa uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto, inkastoo uu sheegay in aysan hadana meesha ka marneyn in xalka Soomaaliya loo wajaho qaab diblumaasiyadeed bacdamaa ay dadka Soomaaliyeed dhibaato ku soo jireen muddo dheer.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Shariif in ay u midoobaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen  sida uu u yiri cadawga ku soo duulay Dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Xoogagga ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya iyo kuwa  kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan isku khilaafsaneyn in dalka la xoreeyo, “walaalaheen aan dagaalka ku wada jirno ma jiraan wax aan isku khilaafsannahay waxyaabaha yar ee noo dhaxeeyana waa isugu samri karnaa ama waan isaga tanaasuli karnaa, balse waxaa muhiim ah in meel looga soo wada jeesto sidii dalka loo xoreyn lahaa”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka jawaabayay weydiin ku saabsaneyn waxa keenay in ay Maxkamadaha Islaamka, Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Al-Shabaab ay kala hadlaan marka ay timaado ka hadalka dagaallada ay uga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Hadalkan uu bixiyay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay Ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen Guri ku yaala Degmada Dhuusama-reeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaasina ay ku dhinteen Dad 10 ruux ka badan oo ay ku jireen Aadan Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar oo ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia