4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 1 , 2008
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in duqeyntii ay Diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Dhuusa-mareeb ay sii kordhin doonto Awooodda Muslimiinta

Khamiis, May 01, 2008(HOL): Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo ka hadlay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa uu sheegay in duqeyntaas ay ahayd mid gardarro ah oo ay Ciidamada Mareykanka ka dambeeyeen.

“Duqeyntaas oo ay ku dhinteen Hoggaamiyayaal Islaamiyiin ah waxay sii kordhin doontaa awoodda Muslimiinta iyo Midnimadooda, ugu dambeyntana waa ay ka guuleysan doonaan cadawga ku soo duulay Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo duqeyntaas ku tilmaamay mid fulaynimo ah.

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Mareykanka uu bilaabay in uu dhinaca cirka ka duqeeyo shacabka Soomaaliyeeed kadib markii sida uu yiri uu ku fashilmay taageeradii uu Ciidamada Itoobiyaanka ku siiyo faragelinta ay ku hayaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

“Hadda Ciidamada Itoobiyaanka waxay bilaabeen inay isaga noqdaan dalka Soomaaliya, waxayna askartii dalka la keenay ay noqdeen kuwo waashay markii Soomaaliya laga celiyay”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo sheegay in maalin ay ahaataba ay Ciidamada shisheeye ka bixi doonaan Dalka Soomaaliya

Dhanka kalena, Golaha Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xorta ah ayaa iyaguna warsaxaafadeed ay maanta soo saareen waxay ku cambaareeyeen duqeyntii ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, waxayna sheegeen in ay duqeyntaas ahayd mid gar-darro ah oo lagu baneysanayay dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo warsaxaafadeed uu golaha soo saaray lagu sheegay in ay duqeyntaas geysatay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

Sidoo kalena, Golaha Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xorta ah waxay cambaareeyeen fal ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku dileen Dad Rayid ah oo ku sugnaa meel u dhow Saldhig-yaraha Baydhabo, halkaasi oo Ciidamada Itoobiyaanka shalay qarax xooggan lagula beegsaday.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo ay Diyaaradaha Mareykanka duqeeyaan deegaanno ka tirsan Dalka Soomaaliya, waxaana jiray labo jeer oo hore oo ay Ciidamada Mareykanka duqeeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana goobaha la duqeeyay  ugu dambeysay Degmada Dhoobley oo madaafiicdii lagu garaacay ay Dad iyo Xoolo ku waxyeeloobeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia