4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 1 , 2008
Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed oo dalbaday in la sii daayo 8 Arday oo ku xiran Xabsiga CID-da ee Muqdisho

Guddoomiyaha Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Tima-Jilic
Khamiis, May 01, 2008(HOL): Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeeed ayaa waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii deyso Arday weli ku xiran Xabsiga CID-da ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Tima-Jilic ayaa sheegay in ay walaac weyn ka qabaan xaaladda 8 Arday oo ka mid ahaa Dad dhawaan laga soo qabtay Masjidka Al-Hidaaya ee Magaalada Muqdisho.

Cali Tima-Jilic, Guddoomiyaha Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in magacyada ardaya lagu hayo Xabsiga CID-da ay kala yihiin Aadan Cali Aadan, Faa’is Feysal Kaariye, Xuseen Shiikh Axmed, Nuuradiin Maxamed Xuseen, C/raxmaan Axmed Cali, C/raxmaan Cumar Cali, C/raxmaan Axmed Barrow iyo Mahad C/salaan Diiriye.

“Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed waxaa ay codsanayaan in shuruud la’aan lagu sii daayo ardaydaas sababtoo ah waa biri-ma-geydo aan xaq u lahayn in Xabsiga CID-da lagu hayo maadaama horay loo sii daayay dad lala soo xiray  oo tiradooda dhameyd 32 ruux”ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Isbedel-doonka Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Tima-Jilac).

Dhanka kalena, Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed waxay cambaareeyeen duqeyn xalay ay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ka gesyteen Diyaaradaha Mareykanka, waxayna sheegeen in weerarkaas uu ahaa mid gardarro ah oo muujinaya faragelin ay dalal Shisheeye ah ku hayaan Dalka Soomaaliya.

“Inta ay Shisheeye faragelin ku hayaan Dalka Soomaaliya waa ay sii badan doontaa dhibaatada ka jirta, Dadka Soomaaliyeedna xal ma gaari karaan”ayuu yiri Cali Maxamed Nuux (Tima-Jilac), Guddoomiyaha Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia