4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 1 , 2008
Xubnihii Dowladda Federaalka u soo magacawday Maamulka Gobalka Hiiraan oo intooda badan sheegay in aysan raali ka aheyn xilalka loo soo magacaabay

Khamiis, 1, May, 2008 (HOL)  Waxaa sii kordhaya is-casilaada ay sameynayaan xubnihii Dowladda Federaalku u soo magacaawday Maamulka Gobalka Hiiraan kadib markii uu meesha ka baxeen mas'uuliyiintii Maamulkii hore ee Gobalka kuwaa oo sababo dhinaca nabad-galyada ah uga tagay howlihii ay hayeen.
 
Waxaa si dhab ah u shaaciyay in aysan ogleyn xilalka loo soo magacaabay Ku-xigeenada  Maamulka Gobalka Saleebaan Axmed Hilowle iyo Cabdi Iidow Sabriye, halka Maamulka Degmada Beledweyne xilalkii loo dhiibay ay iska diideen Sadaxda Ku-xigeen Salaad Xasan Cabdi, Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow iyo Ing, Faarax Cabdi Muuse Taano.
 
Sidoo kale waxaa ka mid ah Xubnaha shaaciyay in aysan aqbalsaneyn magacaabistooda Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka Hiiraan Col. Axmed Cilmi Guuto iyo Ku-xigeenkiisa Ibaarhim Axmed Magan, iyo waliba Taliyaha loo soo magacaabay Saldhiga Baliiska G/lle C/laahi Xaanshi Shirwac.
 
Xubnaha sheegay in aysan qaban doonin xalalka loo soo magacaabay oo dhan 8 xubnood ayaa ka dhigeysa tirada aan wali shaacin sida ay u arkaa xilalka loo dhiibay ilaa 7 xubnood oo kaliya, waxaana xusid mudan in dhamaan xubnaha ka tagan xilalka loo dhiibay HOL u sheegeen in uusan jirin amaan lagu shaqeyn karo iyo waliba in markii horeba wax laga weydiinin Magacaabistooda.
 
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka jira hadal heyn aad u badan gaar ahaan marka la eego Maamulka cusub ee loo soo magacaabay Gobalka Hiiraan xili Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalku ku howlanaa sidii arimaha looga soo dhisi lahaa gunta hoose bulshaduna  u sameysan laheyd Maamul ay iyadu soo dooratay.
 
Dhinaca kale magacaabista Maamulka cusub ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan aysan jirin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo shaqeynaya taa oo xitaa keentay Su'aasha ah cida ka damaanad qaadeysa amaanka xubaha Maamulka Cusub oo intooda badan ku sugan Magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia