4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2008
Dagaal ku dhexmaray Xoogagga Al-Shabaab iyo Ciidamo Itoobiyaan ah Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose
Talaado, December 09, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta wuxuu gelinkii hore iyo gelinkii dambe ka dhacay Deegaanno u dhaxeeya Yaaq-biri-weyne iyo Balli-doogle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa wuxuu dhexmaray Xoogagga Al-Shabaab iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa Degmooyinka Wanla-weyn iyo Buur-Hakaba, waxaana ilaa iyo haatan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay dhinacyada dagaallamay isu geysteen, marka laga reebo in uu dagaalkaas guul ka sheegtay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo Saraakiil u hadlay ay sheegeen in ay jab u geysteen Ciidamada Itoobiya.

Dadka ku dhaqan Deegaannada Yaaq-biri-weyne iyo Balli-doogle  ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalkan, waxaana jira dad badan oo guryahoodii ka barakacay kadib markii ay ka baqeen in uu dagaalka khasaare ka soo gaaro.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu deegaankan dagaal ku dhexmaro Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Al-Shabaab, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo hore oo ay halkaas dagaallo ka dhaceen, iyadoo ay xusid mudan tahay in dagaallada halkaas ka dhaca ay saameeyaan dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan deegaannadaas, kuwaasi oo mar kasta iyagoo aan iska jirin ay dagaallada ka dul-dhacaan.

Ugu dambeyntiina, Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo deegaanno ka tirsan Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ay dib ugu soo noqdeen Ciidamo horay uga baxay, weliba xili la hadal hayay in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya inta uusan dhammaanin Sanadkan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia