4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2008
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ku laabtay Deegaanka Kala-beyr ee Gobalka Hiiraan

Talaado, December 09, 2008(HOL): Saakay Waabarigii hore ayaa dadka ku dhaqan deegaanka Kala-beyr oo qiyaastii 30-km u jirta Magaalada waxaa ku soo tooseen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kuwaaa oo fariisimo ka sameystay deegaanka Kala-beyr.
 
Ciidamadan oo qaarkood lugeynayay ayaa sidoo kale gudaha u soo galay Tuulada Jawiil oo ka tirsan deegaanka Kala-beyr, taasoo keentay in halkaa isaga firxadaan dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa, waxayna sidoo kale wararka intaa ku darayaan in Ciidamadu diideen dhamaan dhaqdhaqaaqa gaadiidkii isaga gudbi jiray Goballada dhexe ee Dalka.
 
Magaalada Beledweyne oo hadda saldhig u ah Ciidamada Midowga Maxkamadaha iyo waliba kuwa koox Diimeedka Al-shabaab ayaa siweyn looga dareemayaa saameeyta Ciidamada la sheegay in fariisinka ka dhigtay deegaanka Kala-beyr, waxaana ka socda gudaha Magaalada dhaq dhaqaaq dhinaca Ciidamada ah oo ay wadaan dhamaan kooxaha ku wada sugan Magaalada kuwaasoo qaarkood iyagoo la socda gadiidka dagaalka u dhaqaaqay dhinaca Kala-beyr.
 
Dadka rayidka ah ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa saakay intooda badan is weydiinaya Su'aalo la xiriira sababata keentay in mar kale ay dib u soo laabtaan Ciidamada Itoobiya oo kol hore isaga baxay Magaalada Beledweyne, iyo waliba saameyta ka dhalan karta haddii ay Ciidamadu soo ruqaasadaan dhinaca Xeradii Jante-kuundisho.

Saacadaha soo socda ayaa ugu dambeytii la ogaan doonaa halka ay saldhigaan Ciidamada hadda ku sugan deegaanka Kala-beyr oo ah goob istaraatiiji ah marka loo eego isu socodka Goballada Hiiraan, Gal-gaduud, iyo waliba Mudug.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia