4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2008
Isgaarsiinta Degmda Balanbal oo hawada Dib ugu soo noqotay kadib markii loo sabab la xiriirta Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay

Talaado, December 09, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay hawada dib ugu soo noqotay Isgaarsiintii Degmadaas ku xiri jirtay Dalka Soomaaliya intiisa kale iyo weliba dibaddiisa.

Isgaarsiinta ayaa la jaray kadib markii ay shalay Degmadaas soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo tallaabay xadka uu Gobolka Galgaduud la wadaado Itoobiya, iyadoo kadibna ay muddo saacado ah hawada ka maqneyd.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo la qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Balanbal, inkastoo aan rasmi ahaan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay soo galeen Degmada Balan-bal kadib markii Degmooyinka Matabaan, Guriceel iyo Dhuusa-mareeb oo Gobolka Galgaduud ka tirsan ay la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Beledweyne-na waxay sheegayaan in ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ay ku laabteen Deegaanka Kala-beyr oo ay horay uga baxeen, iyadoo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa ku dhow deegaanka Kala-beyr.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia